Madaxweyne Deni oo Kashifay wax ay ku wadahadleen Isaga & Farmaajo

Garoowe (Aftahannews)- Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni ayaa waxa uu banaanka keenay wixii ay ka wada hadleen isaga iyo madaxweyne Farmaajo intii ay ku sugnaayeen magaalada Dhusamareeb.

Deni ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo ay Dhusmaareeb dhowr jeer kulamo gaar ah ku yeesheen. “Shirarkii aan aniga la galay Farmaajo, madaxweynaha wuxuu diiradda aad u saarayay in aan kala shaqeeyo ajenda uu markaa u dhigayay in doorasho qof iyo cod ah lagu qaban karo, mudada lagu gaadhi karana ayna cayimneyn, u muuqaneysana in dowladda ay rabtay in wakhtiga loo kordhiyo”, ayuu yidhi Madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

Deni ayaa hadalkan jeediyay isagoo jawaab ka bixinayay xil ka qaadistii lagu murmay ee ra’iisal wasaare Kheyre oo uu ku tilmaamay mid sharciga baalmarsan.

Dhankiisa ayuu sheegay inu u isku dayay in madaxweynaha uu ku qanciyo in xilligan ay u adag tahay in laga shaqeey muddo kororsi taasoo ka hor-imaneyso waxyaabihii kasoo baxay shirkii Dhusamareeb.

“Markii aan arrintaas kala hadlay, waxaa uu muuqaneysay in madaxweynaha uu ku qancay ra’yiga ah in doorasho qof iyo cod ah la qabto” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Doorashada xilligan Soomaaliya ka hirgeli karta ayuu sheegay inay tahay doorasho dadban oo aan gaadhsiisaneyn qof iyo cod, kana duwan tii 2016-ka ka dhacday Soomaaliya.

Guddiga ay madaxda federaalka iyo maamul goboleedyada ku heshiiyeen shirka Dhusamareeb ayuu sidoo kale sheegay in shaqadoodu ay tahay inay kasoo tala bixiyaan nooca dorasho ee uu dalku qaadanayo kahor kullanka dambe ee maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka.