Ujeedka Kulan Jigjiga ku dhexmaray Wasiirka Warfaafinta Somaliland iyo Madaxweynaha Dowlad-deegaanka

Jigjiga (Aftahannewa)- Madaxweynaha dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar, ayaa madaxtooyada Jigjiga ku qaabbiley wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore.

Wasiirka Wasaaradda Warfafainta Dhaqanka iyo Wacyigalinta ee Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) iyo Madaxwaynaha Dawlad deegaanka Somalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar, ayaa ka wada hadlay xidhiidhka iyo cilaaqaadka qotada dheer ee ka dhexeeya Somaliland iyo Dawlad deegaanka sida amniga iyo ganacsiga.

Mustafe Muxumed Cagjar Madaxwaynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Somaliland ku amaanay horumarka iyo deganaanshiyaha geeska oo ay kaalinta hore kaga jirto.

Waxaanay labada dhinacba balan qaadeen sii xoojinta iyo wada shaqaynta labada dhinac.