Midawga Yurub iyo Maraykanka oo Fool-xumo iyo Sharci-darro Ku Tilmaamay Xil-ka-qaadistii Kheyre

MIDAWGA YURUB IYO MARAYKANKA
MIDAWGA YURUB IYO MARAYKANKA

Brussels/Muqdisho (aftahannews):- Ururka Midowga Yurub, ayaa ka horyimid xil ka qaadistii ay Golaha Shacabka Soomaaliya ku sameeyeen Ra’iisul-wasaare Xasan Cali Kheyre iyo xukuumaddiisii axaddii shalay, taasi oo Midawga Yurub ku tilmamay inay dib u dhac ku tahay horumarka iyo nidaamkii socday ee Soomaaliya.

MIDAWGA YURUB IYO MARAYKANKA
MIDAWGA YURUB IYO MARAYKANKA

“Nasiib-darro, arrimaha ka dhacay Golaha Shacabka Soomaaliya Sabtidii waxay dib u dhac ku yihiin Soomaaliya, iyo kalsoonidii Midowga Yurub uu ku qabay horumarka Soomaaliya,” waxaa sidaas bayaan uu soo saaray ku yidhi Wakiilka Sare iyo Madaxweyne ku-xigeenka Midowga Yurub Josep Borrell.

XASAN ALI KHAYRE FARMAAJO IYO MURSAL
XASAN ALI KHAYRE FARMAAJO IYO MURSAL

Waxaanu Josep oo qoraalka uu waxa Soomaaliya aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya sameeyeen ka sii wada uu yidhi; “Hannaanka loo maray mooshinka codka kalsooni kala noqoshada Xukuumadda xitaa ma aanay buuxin shuruudaha ugu yar ee dastuuriga ah.”

Codkii shalay Axaddii ee Golaha Shacabka, ayaa yimid maalin ka dib markii lasoo geba-gebeeyey kulankii Madaxweynaha dalka iyo Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada federaalka Soomaaliya, kaasoo la isku raacay inuu xigo kulan kale oo dhacaya 15-ka August 2020, balse nasiib-darro tallaabadan ayaa la qaaday.

Sidaa awgeedna waxa uu Wakiilka sare ee Midawga Yurub Josep Borell tilmaamay inaan la ixtiraamin wax badan oo mudnaa in la dhawro, waxaanu yidhi; “Ficilladani waxay xushmad-darro weyn ku yihiin aas-aasyada dastuuriga ah ee Soomaaliya ee Midowga Yurub uu maal-gelinayey.”

“Midowga Yurub wuxuu si taxaddar leh dib ugu eegi doonaa sida ay ku yimaadeen dhacdooyinkan iyo cidda qaadeysa mas’uuliyadda iyo heerka ay Soomaaliya ka weecin karaan horumarka ay sameyneysay,” ayuu yidhi Josep Borell.

Geesta kale, Dawladda Maraykanka, ayaa ka hadashay go’aanki Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya uu shalay kalsoonidii kagala noqday Ra’iisul Wasaarihii Xukuumadda Xasan Cali Khayre. Waxaanu sheegtay inay ka xuntahay in baarlamaanka iyo madaxweynuhu ay kalsoonida kala laabteen Ra’iisul Wasaare Khayre.

Qoraal ka  soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, ayaa lagu sheegay in kalsooni kala noqoshada xukuumadda ay dib u dhac ku tahay isbedellada horumar ee ka socday Soomaaliya.

Mareykanka, ayaa sidoo kale u digay qaswadayaasha raadinaya inay waxyeeleeyaan horumarrada ay sameyneyso Soomaaliya ee ku wajahan xasilloonida, nabadda iyo dowladnimada loo dhan yahay.

aftahanin@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.