Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo lagu soo dhaweeyay Finland

Helsinki(Aftahanews):- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Md. C/raxman Maxamed C/llaahi ( Cirro) ayaa gaadhay Magaalada Helsinki ee Caasimada dalka Finland, sida uu warkaa noogu soo diray Maxamed Xasan Mataan oo ah sheegay inuu yahay Weriye Madax-bannaan oo ku sugan Helsinki.

uuuuu7

Guddoomiyaha ayaa wuxuu kasoo kicitimay Somaliland maalinimadii khamiisti ee todobaadkii hore isagoo soo maray dalalka Imaaraadka iyo Ingiriiska,waxaanu xalay soo gaadhay Magaalada Helsinki e Caasimada Finland.

Guddoomiyaha ayaa waxa loogu soo dhaweeyey magaalada Helsinki si heer sare ah, iyadoo ay gagida diyaarada kaga hor tageen maamulka sarre ee Xisbiga Waddani Laanta Finland iyo xubno ka mid ah Taageerayaasha Laanta Finland iyo Shacabka reer Soomaliland qaar ka mid ah. Waxaana loo galbiyey dhinaca iyo guriga uu ka degen yahay oo magaaladaas ku yaala.

Guddoomiyaha ayaa wuxuu ku yimi safar Qaarada Yurub, isagoo ka qayb gali doona shirar caalamiya oo ka dhacaya dalka UK iyo wadamo kale oo yurub ka mid ah qaarkoood. Guddoomiye Cirro inta uu ku sugan Yurub waxa lagu wadaa inuu la kulmo madaxda Baarlamaanada Wadamada Yurub ee uu marayo iyo weliba dadaxda dawladaha Isla Wadamadaas.

Wuxuu la yeelanayaa Kulammo kala duwan Jaaliyadaha Somaliland, iyo taageerayaasha Xisbiga Waddani ee ku sugan Wadamada Yurub.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Md C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), ayaa hadalo kooban uu ka jeediyey garoomada London iyo Helsinki tilmaamay inuu ku faraxsan yahay safarkan uu ku yimaado Qaarada yurub, rajaynayana inuu wax badan ka qaban doono arrimaha qadiyada Somaliland iyo tan Xisbiga Waddani.

Maalmaha soo socda ayaa la iishaarayaa inuu la kulmo Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Helsinki, iyadoo lala soo socodsiin doono Jaaliyada iyo taageerayaasha Xisbigaba goobta iyo xiliga la qabanayo kulamadaas haddii ALLE yidhaahdo.

Maxamed Xasan Mataan

Suxufi Madax banaan

Helsinki Finland.