Qoowmiyadda Maxaa Ku Diray Qaadka? Qallinka Cabdillaahi Xasan Budul

Dalka Itoobiya ee aynu jaarka nahay oo uu innaga dhexeeyo xidhiidh qadiimiya oo dhinacyo badan, xidhiidhkaasi oo uu ka mid yahay xaga ganacsiga labada dal ay is dhaafsadaan badeecadaha kala duwan ayaa geedka jaadka la yidhaahdo oo Somaliland uga yimaada dalkaasi Itoobiya muddooyinkan u dambeeyay  ay mudaharaadyo uga horjeedaan xukuumada ay beeralayda Oramadu joojiyaan inay jaadka ka soo gooyaan beeraha.

Sannadihii u dambeeyay ayaa xiisado mudaharaad qowmiyada Oramadu ay mudahaaradyo muddooyin kala dambeeyay ay ku muujinayeen dibadbaxyadooda saamayn ku yeesheen inay joojiyaan jaadka ay ka soo gooyaan beerahooda ee u soo gudbaya Somaliland.

Labada xukuumadood ee ka kala taliya labada Waddan ee Somaliland iyo Itoobiya ayaa cashuur waafiya ka hela ganacsiga jaadka ee yimaada beeralayda Oromada, kaas oo Somaliland mar qudha muddo dhawr iyo labaatan cisho ah joojisay sababo la xidhiidha covid 19, isla markaana ku haboonayd joojinta jaadka iyadoo xanunkaasi farabaas ku hayay gobolka iyo guud ahaan dunida-ba.

Muddo hada laga joogo shan cisho oo mudahaaradada ka socda Addis ababa caasimada Itoobiya sii xoogayasteen ayaa dibadbaxyadaasi Oromada waxa ku dhintay ilaa lixdameeyo qof oo banaanbaxyaasha ah, ayaa Somaliland-na waxa ka istaagay jaadkii kagaga imanayay dhinaca Itoobiya.

Beeralayda Oromada ayaa markasta oo ay mudaharaadyo samaynayaan ama dhigayaan ka dhan ah dawladooda waxay caadaysteen in ganacsigii jaadka iyo waxyaabaha la midka ah ee Somaliland looga soo waarido joojiyaan si xaga dhaqaalaha ugala dagaalaan

Hadaba Somaliland maxaa ka horjooga inaynu fariin u dirno Itoobiya in jaadka aynu joojin karno sidii dhawaan loo joojiyay dhawr iyo labaatanka cisho, isla markaana Oromadu fariimo idaba jooga codsigooda ku soo gudbin jireen in ka ganacsiga jaadka loo fasaxo, ayaa cashar u nooqnaysa beeralayda Oromada.