Taliyihii hore ee Sirdoonka Somaliland Muxuu ka yidhi Qodobbada ka soo baxay Shirkii Wadahadalka Djibouti?

Taliyihii hore ee Sirdoonka Somaliland Maxamed Nuur.jpeg
Taliyihii hore ee Sirdoonka Somaliland Maxamed Nuur.jpeg

“Waxaan ahay Taliyihii Hore ee Amniga Somaliland Caadi Maaha inaan Saxaafadda kahadlo haso-yeeshee. Madaama oo aan ahay Muwaadin aan Cidna ushaqayn wakhtigan waxaan jeclaystay in aan dhambaal Hambalyo ah oo ku aadan Guusha Qaran ee uu Soo hooyey udiro Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Weftiga uu Hogaaminaayo ee Maanta ku soo laabtay dalka.

Taliyihii hore ee Sirdoonka Somaliland Maxamed Nuur.jpeg
Taliyihii hore ee Sirdoonka Somaliland Maxamed Nuur.jpeg

Mudane Madaxweyne Waxaan Kugu Hambalyaynayaa Khudbadii Taarikhiga ahayd. ee Qarnaqsiga dhab kahadlka Xaqiiqada Biyo Kama Dhibcaanka ahana Xambaarsanayd ee aad ka Jeedisey Madashii Shirka Jabuuti ee Beesha Caalamkuna ay Goobjooga ka ahayd.

Mudane Madaxweyne Waxaan Markale kugu Hambalyaynayaa si wayna kugu Bogaadinaynaa Adiga iyo Weftiga Qaran ee aad Hogaaminaysay Sidi Hufnayd ee aad uga Garnaqsateen Madashii Wada Hadalada ee ka qabsoomay Jabuuti.
Taasi Shacabka Somaliland ay si balaadhan u taageereen ugu-na Qanceen Qaabkii uu udhacay Garnaqsigaasi
Sida oo kale Taliyihii Hore Amniga Qaranku wuxuu Talooyin u Soo Jeediyey axsaabta Muucaaradka ee dalka.waxa uu yidhi

Waxaan leeyahay Axsaabta Mucaaridka ee Somaliland,  Waxaa jira Waxyaabo uu Qaran waliba Ka midaysanyahay Heshiisna ku yahay islamarkaana aan la,mucaaradi karin Arimahan oo kalena Waa Qadiyad iyo Amuur Qaran Maanta oo kalena Ma-ba haboona in La is duro balse waxa Waajib inagu ah Mucaarad iyo Muxaafidba in si Wadaniyad ku dheehan-tahay in aynu u Hambalyeeyno u Bogaadino iyo Qadiyadeena oo midnimo iyo wada jir isku garab taagno.

Geesta Kale, General Maxamed Nuur Xirsi waxa uu Fariin u Diray Beesha Caalamka. Waxana uu yidhi; “Farriinta aan udirayaa Beesha Caalamku”waxa ay tahay:in ay dhex dhexaad ka Noqdaan Amuurta Udhaxaysa Somalia iyo Somaliland Khaasatan dhinaca Mucaawimooyinka.

Sida oo kale iyana Waxaan Fariin udirayaa Dawladda SOMALIYA. Waxaana aan leeyahay
Anigu Waxaan Xog ogaal dhow u,ahay Arinta wada hadalada Somaliland iyo Somalia iyo Jaran- jarooyinkii kala duwanaa ee ay so mareen.

Aniga oo Horena u,ahaa Sarkaal Hore oo ka Tirsanaa Ciidamadii Xooga dalka Soomaaliyeed Markii dambe ee Dalkaygu Xoroobeyna waxaan Noqday Taliyii Sirdoonka ee Jamuuriyadda Somaliland Haatanse ah Muwaadin Caadi ah oo Reer Somaliland ah. Sidaasi Darteedna
Sidhoow Isha ugu hayey Arimaha Wadahadalada iyo Qodobada Jaban ee ay Mar walba la,shir imaaneysay Somaliya.

Waxaana haboon inaad la,Timaadaan wax idinka iib Samaaya lakiin Saas baanu doonaynaaye Qaata maaha wax Suurtoobaaya Wada-hadaladuna ay kusii Soconkaraan

waxaan Hore uga qayb galay Wada hadalo hore udhex maray Labada dhinac  Aniga oo uga Qayb geli jirey Siyaabo dadban iyo Si,Caadi ah ba Mar walbana Dhinaca Somaliya waxa ay shirarkaasi la,imaanayeen Qodobo jaban oo aan Marnaba Suuragal ahayn Islamarkaasina Sababayey In Marar badan lagu kala Kaco shirarkaasi.shirkani udambeeyey ee iminka jabuuti kadhacayna Wax-yaabaha loogu kala Kacaayey Sababtooda Arimahaas baa lahaa.
Hadaba bal Si,ay wadahadaladu usii Socdaan Waxaa lagama Maarmaan ah inaad Golayaasha dambe latimaadaan Qodobo Macquul ah.

Gaba-Gabada Qoraalkaagan kooban aan ku so Gunaanado Talooyin koban

Ugu horayn somaliya hal ayaan leeyahay
1)Dalkayga Somaliland uma talisaan.markaa barta shirku in uu yahay laba geesood siman.waxna la Isla ogalaan karo waxna la isku diidi karo.hadii kale wa wakhti lumis.

2) somaliyaay dib iskugu noqda oo tashada,wax idinka iibsamana la kaalaya madasha.xaqiiqadana u soo noqda..

3)waxa aad lahadlaysaan waa dal wa dalkale oo Siyaasadiisa iyo Dawladiisaba leh.mana aha Barka Cabdoo ta ka bixiya.tan amar, taa ma siin kartaan.

4/Farmaajo-na Waxa aan leeyahay ka kaalay Garbo haaray inta aan shacbkaagu kugu gubin.

FG: Madaxwaynahayga Markale waxa aan leeyahay Hambalyo Hambalyo

Somaliland waxa aan odhan Midnamadu wa Xoog marka loo midoobo, tafaraaruquna wa jab.ee iska ilaasha.

Ugu dambayntii waxa aan maqlayey Rag Salaadiin sheegtay oo yidhi labada dal ha la mideeyo waxa aan leeyahay Cidii ay ku Cadaato in ay hawlaashi ku lug leedahay Qaranku ha ka qaado talaabo Sharciga Wafaqsan :

Wabilaahi Towfiiq

Gen Mohamed Nour Hirsi

Taliyihii Hore ee Sirdoonka Somaliland

Mahadsanid.