Kumuu Ahaa Qoraagii Geeriyooday Maxamed Baashe Xaaji Xasan? W/Q. Muhammad Suleiman

MARXUUM MAXAMED BAASHE XAAJI XASAN
MARXUUM MAXAMED BAASHE XAAJI XASAN

Allaah ha u naxariisto’e Maxamed Baashe Xaaji Xasan waxa uu dayrtii 1963kii ku dhashay deegaanka Meygaagle oo ku yaalla duleedka Sacmadeeqo oo ka tirsan Degmada Buuhoodle.

MARXUUM MAXAMED BAASHE XAAJI XASAN
MARXUUM MAXAMED BAASHE XAAJI XASAN

Waxa uu malcaamadda Qur’aanka ka bilaabay 1969kii magaalada Ballidhiig. Fasalkii kowaad ee dugsiga hoose waxa uu ka bilaabay isla magaalada Ballidhiig. Tacliintiisa dugsiga hoose waxa uu ku dhammaystay magaalada Hargeysa, gaar ahaan Dugsiga Hoose ee Qudhacdheer sannadkii 1975kii, dugsiga dhexena wuxu ku dhammaystay Dugsiga Dhexe ee Biyadhacay ee Hargeysa sannadkii 1978kii.

Tacliinta dugsiga sare waxa uu Maxamed Baashe ku qaatay Dugsiyada Sare ee Faarax Oomaar iyo Gacan Libaax ee magaalada Hargeysa sannadihii 1978 – 1982kii.

Bishii March sannadkii 1983kii waxa uu qoraagu ka mid ahaa dhallinyaradii u tallowday ee ku biirtay Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM.

Bishii August 1983kii waxa uu ka mid noqday hawlwadeennadii Idaacaddii Halgan oo ku hadli jirtey afka xoogaggii mucaaridka soomaalida ee saldhiggeedu ahaa magaalada Addis-Ababa.

Maxamed Baashe oo ka mid ahaa weriyayaashii ugu magaca dheeraa Radio Halgan, waxa uu idaacaddaas ka shaqaynayey ilaa July 1987kii, waxanu wakhtiyada qaar qoraagu ahaa mas’uulkii barnaamijyada idaacadda u qaabilsanaa Garabkii SNM ee xoogagga mucaaridka.

Bishii August 1987kii waxa uu qoraagu deeq waxbarasho ugu kicitimay waddankii loo yaqaanney Czechoslovakia, waxanu magaalada Prague ee The Czech Republic ka bilaabay jaamacadda The Charles University, kulliyaddeeda saxaafadda lagu barto, kulliyaddaas oo uu qoraagu ka qalin jabiyey sannadkii 1990kii, kana qaatay Digriigiisii koowaad. Maxamed Baashe X. Xasan waxa uu sii watey waxbarashadiisii, waxaanu November 1992kii ka qaatay Digriiga Master of Journalism and Mass Communication isla Jaamacaddaas The Charles University.

Wixii ka danbeeyay 1992kii, Maxamed waxa uu suxufi ahaan u la soo shaqeeyay Wargeyska Jamhuuriya London UK, Wargeyska Sahan News, Ohio USA iyo Codka Soomaalida ee Sahan Radio, Ohio USA, Star Tv iyo kuwo kale.

Waxa uu qoray buugaag dhawr ah iyo kumannaan maqaal, kuwaas oo ku saabsan afka, dhaqanka, taariikhda iyo guud ahaan sooyaalka iyo siyaasadda soomaalida.

Buugaagta daabacan ee uu Maxamed dhaxal ahaan uga tagay waxa ka mid ah:

1- Hal Aan Tebayay – Suugaantii Xaaji Aadan Afqallooc

2- Hal ka Haleel – Sooyaalkii iyo Suugaantii Hadraawi

3- Guri waa haween – Kartida iyo Kasmada Haweenka Soomaalida

4- Afka Hooyo Waa Hodan – Hodantinnimada Af Soomaaliga

5- Hal Tisqaaday – Suugaantii Abwaan Duncarbeed

Maxamed Baashe waxa lagu xusuusan doonaa Xaqudirirnimo, Xalaalmiiradnimo iyo Xorriyad u dagaallan.

Allaah ha u naxwriisto Marxuum Maxamed Baashe X. Xasan, saaka ayuu ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla London oo uu labadii toddobaad ee u danbeeyay yaallay.

W/Q. Muhammad Suleiman.