Somaliland oo Beesha Caalamka u Bandhigtay Mawqifkeeda Soomaaliya & Qorshaha Itoobiya & Maraykanka

Hargeysa (Aftahannews)- Dawladda Somaliland, ayaa la sheegay inay beesha caalamka u bandhigtay mawqifkeeda qaabka ay Itoobiya iyo Maraykanku u wadaan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Ma jiro war rasmi ahi, laakiin warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Dawladu ay toddobaadkii u dambeeyay xidhiidho kala duwan la sameeysay  dalalka beesha caalamka ee xidhiidhka wada shaqayneed la leh Somaliland, kuwaas oo la sheegay inay u bandhigtay inaanay Somaliland u sacabo tumayn qaabka wakhtigan ay Maraykanka iyo Itoobiya doonayaan inay noqdaan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanay dawladu sheegtay inay  Somaliland diyaar u tahay dib u bilaabista wada hadalada Hargeysa iyo Muqdisho ee istaagay, laakiin aanay la dhacsanayn in laga leexiyo jidkii hore oo loo duwo wadiiqo kale.

Siyaasiyiinta Somaliland qaar ka mid ah ayaa dhawr goor sheegay in ay Itoobiya iyo Maraykanku doonayaan inay Somaliland iyo Soomaaliya gaadhaan isfaham deg deg ah.

Diblomaasiyiinta ay dawladu  Xidhiidhada kala duwan la sameeysay ayaa la sheegay in qaarkood soo dhaweeyeen doodda Somaliland, waxaana toddobaadkan uu kulan adeega casrig ah ee ‘Zoom’ ku dhex maray dalalka beesha caalamka, kuwaas oo isla soo qaaday wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya iyo doodda Somaliland. Diblomaasiyiin ka socotay dhawr dal oo reer Yurub ah sida Ingiriiska, Norway iyo dawladda Turkiga oo iyadu hore gadh-wadeen uga ahayd wada hadalada Hargeysa iyo Muqdisho ayaa la sheegay inay kulanka ka sheegeen  mawqifka Somaliland.

Lama garan karo in Itoobiya iyo Maraykanku hakin doonaan xawaaraha ay doonayaan inay ku dhaqaaqaan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, ka dib mawqifkan Somaliland, laakiin safiirka Maraykanka ee Soomaaliya danjire Donald Yamamoto oo dhawaan u waramay wargeyska Geeska Afrika, ayaa soo dhaweeyay kulankii Addis Ababa ku dhex maray Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo.

Dawladaha Maraykanka iyo Itoobiya oo aan hore uga dhex muuqan jirin wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay si weyn uga dhex muuqday muraayada wada hadaladan, waxaanu Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ku guulaystay inuu Addis Ababa isugu geeyo Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaas oo hore hawada isugu marin jiray hadalo kulul oo hakiyay wada hadaladii u dhaxeeyay dawladihii Somaliland iyo Soomaaliya ee hore.

Xigasho Geeska Afrika.