Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Iftiimiyey In Lagu Amray Inuu Is-casilo

Jigjiga (Aftahannews) – Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar ayaa qirtay in Dawladda Federaalku ay ku amartay inuu iska casilo xulka madaxweninimada DDS ee uu muddada labada sannadood ku dhow hayey.

Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ilo-wareedyo ka agdhow Madaxweynaha, dhawrkii safar ee ugu dambeeyey ee uu ku tegay Addis Ababa ayaa waxa uu kulamo kula yeeshay madaxda xisbiga Barwaaqo oo uu ku jiro Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed, kuwaas oo badankoodu ahaayeen kuwo loogu yeedhay oo aanu rabitaankiisa ku tegin.

Warku wuxuu intaa ku daray in tiraba saddex jeer oo is xigtay loo sheegay inuu si degdeg ah u keeno warqadda iscasilaadda, si looga baaqsado in la fadhiisiyo Golaha Xildhibaannada Shacabka Deegaanka oo aanay xilka xayuubin ugu samaynin.

Ilahan ka agdhow Madaxweyne Mustafe waxay Jigjiga Online u xaqiijiyeen in Madaxweynuhu uu afkiisa uga sheegay in go’aanka dawladda federaalku ka sugayso uu yahay inuu gudbiyo iscasilaad.

“Horta marka Ilaahay meeshan iga kexeeyo ayuun baan ka tegayaa, waxa se jirtay saddex jeer oo laba mar sii horreeyeen in dawladda Federaalku ii sheegtay inaan iscasilo. Waxay ku andacoodeen in deegaanka uu qas ka jiro oo isbeddelkii aanu si dhab ah uga hirgelin.” Ayuu Madaxweyne Mustafe u sheegay xubno ka tirsan xukuumaddiisa oo dalbaday in aan la magacaabin.

“Anigu waxaan u sheegay in Deegaankanagu uu yahay kan ugu xasilloon, ayna ka jirto degenaansho siyaasadeed iyo mid amni, haddee, waxay ku adkaysanayaan go’aankooda oo cid kale ayaa wax u sheegtay.” Ayuu raaciyey Madaxweyne.

Madaxweyne Mustafe waxa uu sheegay inuu Ra’iisal Wasaaraha iyo Madaxda kale ee Barwaaqo u caddeeyey in aanu wax qalad ah samaynin, iscasilaadna aanu diyaar u ahayn.

“Anigu waan ogahay in aanan meeshan sii joogayn oo mar ay noqotaba aan ka tegayo, waxa se aan qiimaynayaa waxa siyaasiyan aniga ii wanaagsan. Eegga, deegaanka waad arkaysaan sida uu u deggan yahay iyo waxa ay xukuumaddu qabatay. Intaba waan u sheegay, waxa kale oo aan u sheegay in aanan iscasilayn ee haddii ay wax dembi cad ah oo aan sameeyey ay iyagu xilka iga qaadaan.” Ayuu ku daray.

Madaxweyne Mustafe oo Isniintii ka qayb-galay shir loogu talo-galay wasiirrada beeraha deegaamada oo lagaga hadlayay wax-soosaarka dalka, dhiraynta iyo arrimo kale oo Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ka furay Xarunta Madaxtooyada ee Addis Ababa, waxa uu bulshada ugu muujiyey in waxyaabaha suuqa ku jira ay been abuur yihiin, laakiin waxa shaki abuurtay maadaama uu kalidii ahaa Madaxweynaha deegaan ee goobta joogay oo aanay jirin masuuliyiin kale ee heerkiisa ah oo xilligaas Addis Ababa joogtay.

Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar ayaa looga yeedhay Addis Ababa si loogu sheego cidda beddelaysa, laakiin maadaama madaxdii uu la kulmayay ay shirka ku jireen uu isaguna iska dhex-fadhiistay si shacabka Soomaaliduna u arkaan muuqaalladiisa inuu kulanka fadhiyo oo qaab ficil ah uu ugu beeniyo arrintan.

Waxa kale oo ay Jigjiga Online fahamsan tahay in haddii go’aanka ah in aanu iscasilin ee xilka laga qaado uu Madaxweyne Mustafe ku adkaysto, in Golaha Baarlamaanka deegaanka la fadhiisin doono oo ay xilka ka qaadi doonaan, kaddibna la daba-qaadi doono kiisas mustaqbalkiisa siyaasadeed halis gelin kara oo ay ka mid yihiin in baadhitaanno lagu sameeyo musuqmaasuqa lagu eedaynayo xukuumaddiisa, guddi heer federal ahna ay Jigjiga u yimaaddaan raadraaca miisaaniyaddii sannadkii hore iyo midka hadda oo mashraaciicda la fuliyeyna qiimayn dhab ah lagu sameeyo haddii ay u qalmayaan lacagaha lagu bixiyey iyo haddii si kale wax loogu qarsaday.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Mustafe ayaa waxa lagu eedaynayaa in aanu deegaanka uga faa’iidaynin isbeddelkii oo waxyaabo badan oo horumarin ah oo uu samayn kari lahaa maadaama dadku u heellanaayeen uu ka gaabiyey, sidoo kalena xorriyadda hadalka iyo ixtiraamka sharcigu aanay hadda ka shaqaynin deegaanka Soomaalida.