Rwanda: Raadintii 25-ka Sanno Iyo Ku Noolaanshihii Dalka Faransiiska

Paris (Aftahannews)-Félicien Kabuga, oo ku jiray diwaanka eedeysanayaasha aadka loo doon-doonyay doorkii ay ku lahaayeen xasuuqii Rwanda ayaa lagu xidhay magaalada Paris ee dalka Faransiiska, sida ay shaacisay wasaaradda caddaaladda ee dalkaasi.

Mr Kabuga ayaa la sheegay inuu ku noolaa nawaaxiga Paris isagoo isticmaalayay magac been-abuur ah.Maxkamadda gaarka ah ee Dambiyada Caalamiga ah ee Rwanda ayaa 84 sano jirkan ku eedeysay xasuuq iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha.Waxa lagu eedeyay inuu dhaqaalo badan ku bixiyay maalgelinta dagaalamayaashii xagjirka ahaa ee Hutu-ga oo dalkaasi Rwanda ku dilay in ka badan 800,000 00 qof sannadii 1994.Waxay bartilmaameedsanayeen qabiilka laga tira badan yahay ee Tutsi-ga.

Hawlgalka lagu soo xiray Mr Kabuga ayaa lagu sheegay inuu ahaa mid ay ku lug lahaayeen dhinacyada kala duwan ee amniga.Dacwad soo oogaha maxkamadda caalamiga ah ee fadhigeedu yahay Hague ee u xil-saaran qaadista dacwadaha wali taagan ee la xiriira xasuuqii Rwanda ayaa so dhaweeyay qabashada eedeysanaha.

” Xidhitaanka Félicien Kabuga maanta waxay xasuus u tahay in kuwa masuulka ka ah xasuuq la hor keeni kara caddaaladda xitaa haddii ay 26 sano ka soo waregatay dambiyadii ay gaysteen”, ayuu yidhi Serge Brammertz oo soo saaray qoraal kooban.

Mr Brammertz ayaa u mahadceliyay Faransiiska , balse waxa uu sidoo kale sheegay in soo qabashada ninkan ay gacan ka geeysten Rwanda, Belgium, UK, Germany, Netherlands, Austria, Luxembourg, Switzerland, Mareykanka, Europol and Interpol.

Waxaa lagu wada Faransiiska inay ninkani ku warejiyaan maxkamadda caalamiga ah si uu u wajaha edeymaha loo haysta.