Somaliland: Kiisas Hor Leh Oo La Soo Bandhigay Iyo Dhimashadda Oo Weji Kale Yeelatay Iyo Foojignaan La’aanta

Hargeysa (Aftahannews)-19 Qof oo cusub ayaa laga helay cudurka Corona virus maanta, waxaana sidoo kale korodhay tirada dhimashada oo cagacaganaysa 8 Ruux oo ay laba kamid ah maanta dhinteen.

Wasaaradda horumarinta caafimaadka ayaa maanta oo sabti ah shaacisay xogtii ugu badnayd ee laga helo cudurka Corona Virus tan iyo markii uu dalka ka dilaacay bishii March.

Wadarta guud ee ilaa iminka laga baadhay cudurka ayaa ah 586 qof, kuwaasoo laga helay 87 kamida.

Dawladda ayaa kordhisay wacyi-gelinta bulshada looga sheegayo qalabka warbaahinta iyo meelaha kale.

Hase ahaatee wali waxa sidoodii u shaqaynaya suuqyada waaweyn ee lagu iibinayo baddeecadaha dharka iyo alaabooyinka kale ee Ciida oo aad mashquul ah, maadaama maalmo kooban inaga xigaan curashada bisha Soonfur ee Ciidul fidriga.