Isu-duwaha Caafimaadka ee Gobolka Saaxil oo Iska Difaacay Eedaymo

Berbera (AftahanNews)- Isu-duwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Gobolka Saaxil, Dr. Bashiir Diiriye Jaamac ayaa ka hadlay Arrimo la xidhiidha Adeegga Caafimaadka ee gobolkaas oo lagu faafiyey baraha bulshada kuwaas oo uu tilmaamay in loo baahiyey qaab qaldan oo xaqiiqada ka fog.

Isu-duwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Gobolka Saaxil, Dr. Bashiir Diiriye Jaamac ayaa ka hadlay Arrimo la xidhiidha Adeegga Caafimaadka ee gobolkaas oo lagu faafiyey baraha bulshada kuwaas oo uu tilmaamay in loo baahiyey qaab qaldan oo xaqiiqada ka durugsan.

“Marka Hore illaahay Baa Mahad leh inna soo Gaadhsiiyay Bisha Ramadaan oo Tobankeedii Danbe  lagu Jiro khayrkeeda alle hayna siiyo.

Marka labaad waxaan si kooban u dul marayaa qoraalka baraha bulshada lagu faafiyay ee ku saabsan Arrimaha caafimaadka gobolka SAAXIL.

Waxaan Ku soo koobayaa dhawr arrimood oo kala ah:

1.Ugu horrayn Dhalinyarta Gaar ahaan Wiilkaa Qoraalada  baraha bulshada kusoo Faafiyay Shaqada ku meel gaadhka ah ee uu hayay Laguma qorin reernimo,laakiin waxaa Lagu Qoray Dhiirigelinta wiil dhalinyaro ah, reer Saaxil ah ardayna ah oo Mustaqbal doonaya.

  1. Shaqada La qoray Waxa ay lahayd Kormeer joogto ah,dabogal,iyo warbixin ku qotonta shaqada,anshaxa iyo xilgudashada shaqaalaha iyadoo DP world haysa guud ahaan macluumaadka la xidhiidha arrinta wiilkan oo u badan mid taban.
  2. Gunadda waxaa Laga Siinayey Dp world, waxaanay Shaqada Bilaabeen 7dii Bisha April,Waxaanu nidaam maaliyadeedka shirkadda ee bixinta lacagtu dib u dhacay Maalmo kooban.

Waxaa Jiray Hadalo badan oo gef ku ahaa maamulka gobolka ee caafimaadka iyo shirkadaba oo xogtoodu kaydsantahay kanasoo yeedhay wiilka Isla markaana aanan jeclayn inaan kaga aargoosto oo aan halkan keeno.

4.Ugu danbayn Lacagtii Gunadda oo dhamaystiran waxa La siiyay 4 cisho ka hor dhamaantood waana wax cad oo xataa isaga hadii la waydiiyo aanu dafiri karin.

Waxaa intaa dheer in wiilku uu farriinta canaanta ah ee la baahiyay uu bulshada usoo gudbiyay xilli uu xataa lacagtiisii haysto taasoo muujinaysa inuu marka horeba doonayay inuu igu sharaf dilo aniga gar iyo gardarroba.

Waxaan jeclaa in bulshadu dhex noo noqoto oo dhinacaygana wax lasoo weydiiyo hadii aan qalad toos ah ku jiro oo hunguri iga galay wiilkaa ama shaqaale kale gunadooda iyo wax la mida bulshada inaan xil u hayo uma qalmo hadii ay igu cadaato.

Waxase dhacaday in iyadoo aan waxba la i waydiin ay i qabsaday aflegaado,cay sharaf dil iyo hanjabaad aan is leeyahay maad mutaysan xaddiga intaas le,eg ilaa imikana ma jirto talaabo aan ahayn inaan bulshada qanciyo oo aan qaaday waxaanan ogahay in masuulka la xagxagan karo oo loo baahanyahay dulqaad dheeraada,anigoo bulshada aan jeclahay ka codsanaya inay hubiyaan wararka lala wadaagayo si aan qofna dulmi ugu dhicin.

Ugu danbayn waxaan saamaxay qof kasta oo si uun iigu gefay oo uu ugu horreeyo wiilka aan shaqada ku meelgaadhka ah anigu siiyay isagoo waliba ah ardaygaygii ilaa imikana aan ahay macalinkiisii isla markaana aan ballanqaadayo in aanu xaqa uu leeyahay ku waayin xanafta na dhex timid,marka aan shakhsi ahaan ka hadlayo iyadoo aanan damaanad qaadi karin wixii sharci ah ee la xidhiidha anshaxa iyo nidaamka shaqada iyo shaqaalaha.

Waxaan sidoo kale ogaysiinayaa bulshada in aanan ahayn qof lagu yaqaan saqajaanimo iyo hunguraynta xaqa shaqaalaha iyo eex midna ee aan ahay dhakhtar waqtigiisa iyo aqoontiisa halka uu geliyay laga marag yahay oo waxa uu qabtay ay ka muuqdo gobolka aan caafimaadkiisa masuulka ka ahay ee SAAXIL oo ka mida gobolada ugu roon adeegyada caafimaadka ee dalka.” Sidaas ayuu yidhi Dr Bashiir Diiriye Jaamac.