Waqtiga La Ciyaarayo Kulanka Lugta Labaad Ee Manchester City Iyo Real

Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad Stadium u diyaarinaysa  inay ku martigeliso Real Madrid oo u tegaysa lugta labaad ee wareegga 16-ka tartanka Champions League, iyadoo ciyaartii horena ay 2-1 kusoo adkaatay kooxda reer England.

Kooxda tababare Pep Guardiola ayaa 174 maalmood ka hor waxay garoonka Santiago Bernabeu ku burburisay Real Madrid oo ay kusoo garaacday 2-1, laakiin lugta labaad oo loo ballansanaa badhtamaha bishii March ayaa loo baajiyey fayraska Korona oo xilligaas ku faafayay qaaradda Yurub.

Zinedine Zidane iyo wiilashiisa oo ay shaqo adag u taallo ayaa waxa safar ku tegi doona magaalada Manchester maalmo ka hor inta aanay garoonka Etihad iskugu diyaarinin inay ugu dagaallamaan sidii ay uga soo kaban lahaayeen khasaaraha loo geystay lugta hore.

Sida uu qoray wargeyska Marca, kulanka Manchester City iyo Real Madrid ayaa waxa uu dhici doonaa August 7 oo ku beegan maalin Jimce ah, iyadoo isla maalintaas ay ciyaari doonaan labada kooxood ee kale ee Juventus iyo Lyon.

Wargeysku waxa uu sheegay in ka hor inta aanay Real Madrid u safrin UK ay dhamaysan doonto 11ka ciyaarood ee uga hadhay horyaalka waddanka Spain ee LaLiga oo la filayo in dhamaadka bisha July si rasmi ah loosoo afjaro.

Dhinaca kale, Manchester City oo garoonkeeda lagu ciyaarayo ayaa ahayd kooxda sida weyn loo saadaalinayay inay u gudbayso wareegga siddeedda oo ay Real Madrid kusoo garaacayso Etihad, hase yeeshee saadaasha ayaan sidii hore u xoog badnayn maadaama garoomo madhan lagu ciyaari doono, sidoo kalena ay ciyaartoyda labada kooxoodba kasoo laabanayaan laba bilood oo ay guryahooda ku xaraysnaayeen oo uu qaabkooda wax badan iska beddelayo.

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah jadwalka kulamada hadhay ee Champions League ay ku shaacin doontaa shirka Guddida Fulinta ee May 27.

Afarta kulan ee ka hadhay wareegga 16-ka oo kala ah: Manchester City vs Real Madrid, Barcelona vs Napoli, Juventus vs Lyon iyo Bayern Munich vs Chelsea ayaa si rasmi ah u heli doona taariikho cayiman marka uu kulankaasi dhamaado, laakiin Madaxweynaha Lyon ayaa hore ugu sheegay warbaahinta in lagu wargeliyey in ciyaartooda labaad ee Juventus ay magaalada Turin ugu tegi doonaan August 7.