Dawladdo Ku Loolamay Soo Saaridda Tallaalka Xanuunka Coronavirus

Washintong (Aftahannews)-Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay inaysan wax la aqbali karo ahayn in shirkadda faransiiska laga leeyahay ee Sanofi ay mudnaanta koowaad siiso suuqyada Mareykanka haddii ay soo saarto tallaalka dawada u ah cudurka Covid-19.

Xukuumadda Paris ayaa ka jawaabeysay hadal uu jeediyay agaasimaha guud ee Sanofi, Paul Hudson, oo sheegay in dowladda Mareykanka ay tahay tan ugu weyn ee lagu tix galin doono dalabaadka horay loo sii dhiibanayo ee ku saabsan tallaalkaas, maadaama ay iyadu maalgalin u sameysay, khatartana u badheedhay”.

Ra’iisul Wasaare Edouard Philippe ayaa sheegay in qodobka ku saabsan in dawadaas aan la kala xigin uu yahay mid aan laga gorgortami karin”.Sheybaadho badan ayaa ku howlan cilmi-baadhista tallaalka loogu raadinayo Covid-19.Tallaallada noocan ah ayaa sida caadiga ah lagu soo saaraa muddo sannado gudahood ah”Annagu ma aqbali karno iney jiri doonto cid si gaar ah loogu tixgaliyo arrintaas iyo waddan loogu qaddarin doono dhaqaale ahaan,” ayuu yidhi wasiir ku xigeenka maaliyadda ee Faransiiska, Agnès Pannier-Runacher, oo la hadlayay idaacadda France’s Sud.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa isagana goor dambe bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in tallaalkaas helitaankiisa uu caalamka oo dhan u sinnaan doono.

Horaantii bishan Midowga Yurub ayaa qabtay shir weyne caalamka online looga qayb galiyay, kaasoo lagu dardar galinayay howsha la xidhiidha soo saarista dawada coronavirus, waxaana intii uu shirkaas socday lagu yaboohay lacag dhan $8 bilyan oo doolar, oo ay ballanqaadeen 40 waddan iyo hay’ado deeq bixiyeyaal ah.Dhaqaalahaas ayaa loogu talagalay in lagu maalgaliyo soo saarista tallaalka iyo dawooyinka kale ee Covid-19.

UK ayaa ka mid ahayd dalalkii sida wadajirka ah u martigaliyay shirkaas, laakiin Mareykanka iyo Ruushka kama aysan qeyb galin.

Midowga Yurub ayaa ku adkeystay in dhammaan dalalka ay si isku mid ah u heli doonaan tallaalkaas haddii la hirgaliyo.”Tallaalka loogu talagalay Covid-19 waa inuu caalamka u wada sahlanaado sida loo helayana waa inay ahaato si siman,” ayuu yidhi afhayeen u hadlay golaha Midowga Yurub, oo lagu magacaabo Keersmaecker, mar uu la hadlayay wakaaladda wararka ee AFP.