Tartankii Kalidou Koulibaly Ee Man United, Liverpool, Real Madrid Iyo PSG Oo Loo Kala Dheereeyay

Difaaca kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly ayay adeegiisa ku tartamayaan kooxaha Liverpool, Real Madrid,Man United iyo Paris-Saint Germain laakiin wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in hadda si wayn loo kala horeeyo.

Wargayska Daily Mirror ayaa shaaciyay in kooxda Jurgen Klopp ee Liverpool ay hadda ku hor martay tartankii loogu jiray qalbi difaaca kooxda Napoli iyo xulka qaranka Senegal ee Kalidou Koulibaly.

Tan iyo xagaagii la soo dhaafay waxa kooxaha Man United iyo Real Madrid ahaayeen kuwa inta ugu badan lala xidhiidhinayay Koulibaly laakiin Liverpool oo raadinaysa difaac adag oo ay Van Dijk ku lamaanayso ayaa hadda u muuqata mid xidiga reer Senegal la soo midayn karta saaxiibkiisa Sadio Mane.

Dhinaca kale wargayska dalka France ka soo baxa ee Le10Sport ayaa qoray in hadda kooxda Paris-Saint Germain aanu muhiimad u ahayn saxiixa difaaca kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly taas oo sii yaranaysa tartankii waynaa ee Koulibaly.

Sida uu qoray wargayska Mirror waxay kooxda Liverpool xidhiidh la samaysay Kalidou Koulibaly kaas oo in badan lala xidhiidhinayay kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Manchester United.

Warka ayaa sheegay in Liverpool ay maamulka kooxda Napoli wax ka waydiisay helitaanka 28 sano jirkan reer Senegal kaas oo ay loo arko badalka Joel Matip.

Wargayska Talyaaniga ka soo baxa ee Tuttomercato ayaa dhawaan qoray in Liverpool ay badalka Joel Matip u aragto Kalidou Koulibaly kaas oo loo badinayo in dhamaadka xili ciyaareedkan uu Serie A ka bixi doono.

Real Madrid ayaa ka mid ahayd kooxaha lala xidhiidhinayay saxiixa Kalidou Koulibaly laakiin qiimaha difaacan ayaa keenay in kooxo badani ayna ku deg degin.

Liverpool ayaa hore lacagtii abid ugu badnayd ku kharash garaysay saxiixii Van Dijk laakiin waxay ogaadeen in ay ahayd lacagtii ugu fiicnayd ee ay ciyaartoy ku kharash gareeyeen maadaama oo uu xaaladii kooxda badalay.

Waxaa loo arkaa in Jurgen Klopp uu isla doonayo sidii uu Van Dijk iyo Kalidou Koulibaly hal mar shaxdiisa ugu wada heli lahaa taas oo ay Reds ku sii noqon karto koox ay adag tahay in la garaaco.

Inkasta oo Joe Gomez uu ahaa difaaca labaad ee xili ciyaareedkan Liverpool ugu fiicnaa isla markaana Van Dijk isfahan fiican la soo samaystay, haddana isku halaynta Lovern iyo Matip ayaa Klopp ka dhigtay mid nugul haddii uu waayo Van Dijk.

Laakiin haddii ay Liverpool kaga dhabayso xidhiidhka ay la samaysay kooxda Napoli ee saxiixa Kalidou Koulibaly, waxa uu Klopp marka hore shaxdiisa ku wada heli karaa laba difaac oo kuwa waqti xaadirkan ugu fiican ah halka haddii uu midkood dhaawacmo aanu wax dhibaato badan ah u dareemi karin sidii xili ciyaareedkan.