Tirada Dadka u Dhintay iyo inta uu Soo Ritay Cudurka Covid-19 oo Kordhay Somaliland

Hargeysa(aftahannews):- Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa sheegtay inay sii kordheen kiisaska Dadka laga helay xannuunka Covid-19 iyo dhimashaduba, waxaana soo kordhay 14 Qof oo midkood dhimasho yahay, sida ay sheegtay Wasaaraddu.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo warbixinta maalinlaha ah ee wasaaraddu ka soo saarto Covid-19 jeediyey 14-ka bisha May 2020, ayaa sheegay in 14 Ruux oo laga helay xanuunka Khamiista maanta, isla markaana hal Qof oo ka mid ahi xanuunka u geeriyooday.

Somaliland Tirada guud ee Dadka xanuunka laga helay ayey 14 Qof ee maanta ka dhigayaan 68, halka ay dhimashadu ka tahay lix Qof, sida uu sheegay Agaasime Xergeeye, waxaanu intaa ku daray inay xanuunka ka ladnaadeen toddoba Qof.

Haddaba, Warbxinta Khamiista uu jeediyey Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka Somaliland, waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho habboon:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.