Garsoore Qirtay Inuu Real Madrid U Khaldamay Final-kii Champions-ka

Garsooraha aadka loo ixtiraamo ee ree England ee Mark Clattenburg ayaa shaaca ka qaaday qalad ka dhacay Final-kii UEFA Champions League ee sannadkii 2016 kaas oo kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid ku dhex maray magaalada Milano ee Talyaaniga.

Sergio Ramos ayaa kaddib rubuc saac uu kulanku socday bandhiga goolasha furay balse wakhtigii nasashada ee ciyaarta ayuu garsoorahan hore ee Premier League ahi aqoonsaday inay ahayd inuusan goolkaas aqbalin.

Clattenburg ayaa sheegay inay ogaadeen in goolka uu kabtan Ramos hoggaanka ugu dhiibay kooxdiisu uu ahaa mid garab dhaaf (Offside) ah kahor intii uusan rigoore uu Antoine Greizmann khasaarin doono u dhigin Atletico.

“Final-kaas, Real Madrid ayaa wakhtigii nasashada hoggaanka ku haysay 1-0 laakiin goolku waxa uu ahaa mid wax yar garab dhaaf ah waxaananu ogaanay wakhtigii nasashada, waxa uu ahaa wicitaan adag caawiyahayguna wuu seegay” Ayuu yidhi Clattenburg.

Kaddib markii ay ogaadeen in qalad ka dhacay wakhtigii nasashada, garsoorka ayaan ahayn kuwo ka xishooday inay ciyaartoyda runta la wadaagaan qaybtii dambe ee kulanka.

Clattenburg ayaa sheegay in markii uu rigooraha Pepe ku galay Fernando Torres uu daafaca ree Portugal ku murmay inuusan rikoodhe ahayn balse uu si cad ugu sheegay inay u qaldameen goolka ay hoggaanka ku hayeen.

“Waxaan Atletico u dhigay rigoore xilli hore oo qaybtii dambe ah markii uu Pepe xanaaqadeeyay Fernando Torres” Ayuu markale yidhi Clattenburg.

“Pepe waxa uu ahaa mid cadhaysan waxaana uu erayo English ah oo sax ah igu yidhi ‘Marnaba rikoodhe maaha Mark’ waxaan ku idhi ‘May ahayn in goolkiina koowaad hirgalo’ hadaladaasi way aamusiiyeen”

Go’aanka garsoorahan ayaa noqon karayay mid Champions League u gacan geliya Atletico maadaama oo kulanku 1-1 ku dhammaaday kahor intii aysan Los Blancos rikoodhayaal ku qaadin koobka.