MAR DHOOF: Soonkii Midowga Sofiyeetiga Iyo Qoraxdii Dhici Weyday

Moscow (Aftahannews)-Waa markii iigu horreysay ee aan debadda u dhoofo anigoo aad u dhallinyar, waxaa la ii diray dalka Ruushka oo markii hore laysku odhan jiray Midowga Sofiyeetiga, dalkaas oo ugu badnaa dalalka Soomaaliya siin jiray deeqaha waxbarasho.

Waxaan ahayn arday badan oo qaarba loo diray iney cilmi gaar ah soo bartaan. Waxaa lagu jiray bil Ramadaan oo inteedii badnayd aan ku soonnay dalka, waxaan ka soo dhoofnay Muqdisho xilli habeen ah, abbaarihii 7:30 fiidnimo innagoo sii raacnay dayaaradda Aeroflot ee Raashkku leeyahay.

Markii aan gaarnay magaalada Moosko ee caasimadda Ruushka ayaa nala kala qaybiyay oo arday walba jaamacaddii iyo gobolkii lagu soo qoray uu toos u sii aaday.

Aniga iyo saaxiibbaday waxaan Moosko ka sii raacnay tareen oo markii iigu horreysay oo aan raaco ahayd. Laba maalmood iyo habeen baan sii soconnay innagoo markaas ku sii jeednay magaalada Odessa oo ka tirsan Ukarayn oo ahayd halkii aan ugu socday waxbarashadayda.

Intii aan waddada sii soconnay markii uu tareenku istaago meelaha loogu talagalay si ay dadku qaarna u degaan qaarna u soo fuulaan waxaan la kulmaayay dad u badan haweenka oo la soo istaaga daaqadaha tareenka iyo irdahooda miraha iyo khudaar caynba cayn ah sida tufaaxa, saytuunka iyo canabka iyo waxyaabo kale oo badan.

Taas waxay i soo xasuusineysay markii aan ku safarno waddada Afgooye ee Soomaaliya oo markii gawaarida istaagaan boosteejooyinka la soo hoos carara dhallinyaro gabdho iyo wiilal ah oo gacmaha ku sida liin-bambeelmada, mooska, saytuunka, cambaha, sabuulka, looska iyo waxyaabo kaloo badan.

Safarkaas dheer kaddib, waxaan soo gaarnay magaaladii Odessa ee waxbarashadeenna. Waa waddan horumarsan oo wax walba diyaarsan yihiin, isla markiiba waxaa nalooku yimid halkii tareenka oo nalaku sugaayay, waxaa nala dajiyay meeshii nalooku talgalay.

Waxaa lagu jiraa bishii barakaysnayd ee Ramadaan, intii hore waxaan soo ahayn safar oo waxaa noo bannaanaa inaan iska afurno, haddase waxaan nimid meeshii aan dagi lahayn, waxaan noqoneynaa dad deggan oo magaalada jooga, waana in meeshaa laga sii wadaa Soonkeennii oo lagu jiro tobankii dambe.

Wax fikrad ah oo aan ka haystay Soon lagu soomaa Raashiya amaba debadda oo dhan ma jiro, mana naqaan qaabka iyo waqtiga la soomo iyo saacadaha midna.

Nin saaxiibkay ahaa ee aan ka wada soconnay wasaaradda Warfaafinta oo la yiraa Xuseen Maxamed Naasir oo aan muddo dheer warkiisa aanan helin, iiguna dambaysay isagoo injineer ka ahaa una shaqeeya Arabsat ayaa ii soo galay qolkayga wuxuuna igu yiri waxaan bilaabaynaa soonkii. Waxaan xusuustaa inaana maalintii uu Xuseen dib u bilaabay soonka aanan la bilaabin, waxaana qiyaastii soonka ka haray ilaa toddoba cisho. Xuseen wuu bilaabay maalintii xigtay oo aan fasallada jaamaacadda aan aadnay.

Markii aan ka soo rawaxnay oo abbaarihii afartii galabnimo ayaan xuseen isasoo raacnay si uu dukaamada uga sii gadanno cunto sida rootiga, caanaha, farmaajada, ukunta iyo wixii aan karin karnay waqtigaas. Waxaan u soo lugeynay hoygii ardayda ee aan degganayn innagoo sidanna adeeggeennii.

Markii la gaaray lixdii maqribnimo sidii aan uga barannay dalkii aan ka nimid, qorraxdii mid dhacaysaba maaha. Yaabka yaabkiis, indhahaan gedgeddinay labadeenna kalama roonin oo qof hore wax u sii ogaa ma lihin. Markii la marayo halkii saac, labadii saac oo loo sii socdo saddex qorraxdiina ayan dhacayn oo ay ku hareer socoto ayaan waxaan ku iri Xuseenow adigaa soomane saaxiibow qorraxdan mid dhacaysa maahane iska niyeyso saacadaheenni Soomaaliya ee iska afur.

Xuseen wuxuu yiri ‘ha sheegin meeshay rabto ha ila gaarto waa inaan sugaa inta ay ka dhacayso’. Xaqiiqdii waxay igu ahay naxdin iyo welwel, maxaa yeelay waxay iila muuqaty halka maalin oo meeshaas ah iney la mid tahay laba maalmood oo soon ah markii loo fiiriyo dalkii aan ka nimid. Waa ku dhowaad 19 saac oo soon ah. Waxaan aad uga welwelay oo u arkay iney adagtahay soon intaas oo saacadood ah.

Waxaan hore dalka ugu soo soonnay ilaa 23 cisho waxaana noo harsanaa ilaa 7 cisho. Hadda oo aan ku noolahay Maraykan kama saacado yara midkii Odesse, waxaana aan soonnaa ilaa 16 saac, welibana waxaan soo marnaa mararka qaarkood illaa 18 saac oo aan ka mid nahay Muslimiinta faraha badan ee dunida ee ku sooma qaarkood saacadaha dhaadheer ee kala geddisan, waxayse labada mar iigu kala beddelan yihiin markaas waxay ii ahayd markaygii kowaad ee aan dunida u dhoofo oo aan tago dhul aanan aqoon sida looga soomo iyo sida loogu tukado salaadaha, maantase adduunyadu waa isku hal qol oo layska wada warqabo.