Madaxweyne Muuse Biixi Oo Mar Kale Loo Soo Jeediyay Inuu Sameeyo Cafis Ka Balaadhan Kii Hore

Hargeysa, (Aftahannews)-Cafiskii madaxweynaha ee soo baxay 1-dii April 2020 waxa loogu tallo galay in lagu yareeyo cidhiidhiga ka jira xabsiyada Somaliland loona xakameeyo fiditaanka coronavirus. 574 maxaabiis ah ayaa la cafiyey. Iyada oo ay ahayd tallaabo mudan in la bogaadiyo, hadana cidhiidhigii weli wuu jiraa sababtoo ah cafisku inta uu gaadhayo ayaa koobnayd. Kumay jirin dadka xukunku ku dhacay ee ku jira saldhigyada booliska ama maxaabiista aan dhammaysan ugu yaraan kala badh mudadii xukunkooda. COVID-19 wuu ku sii fidayaa Somaliland xabsiyadaa cidhiidhiga ahina waxa ay halis weyn ku hayaan caafimaadkii bulshada. Waxa aanu ku boorinaynaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi in uu soo saaro cafis labaad oo intii hore ka ballaadhan.Cafiska labaad waxtarkiisu wuu ka ballaadhnaan doonaa kii hore haddii tixgelin la siiyo laguna daro:

Dhammaan maxaabiista u qalma iyada oo aan loo eegeyn mudada ay ku jireen xabsiga. Cafiskii soo baxay 1-dii April waxa uu ka reebayey maxaabiista aan ugu yaraan kala badh xukunkooda dhammaysan. Waxa ay ka dhigan tahay haddii maxbuus lagu xukumay 2 sanno, waa in uu ugu yaraan ku qaataa xabsiga 1 sanno si loogu daro cafiska. Awoodda Madaxweynuhu lee yahay ee cafisku waa mid intaa aad ugu ballaadhan mana jiro xeer xaddidaya cafiska loo fidinayo maxaabiista kuwaas oo muddo gaar ah ku jiray xabsiga. Sidaa awgeed, cafiska labaad waa in aan lagu soo koobin maxaabiista dhammaystay kala badh xukunkooda.

Dhammaan maxaabiista ay dhibaneyaashu ku leeyihiin mag, iyada oo aan loo eegeyn mudada ay ku jireen xabsiga. Cafiskii April waxa uu koobsanayey maxaabiista lagu leeyahay mag u dhiganta $ 10,000 ama ka yar. Maxaabiistaa waa la sii deynayaa balse waa in ay magta siiyaan dhibaneyaasha, taas oo caddaalad ah. Waxa aan caddaalad ahayn shardiga ku xidhnaa oo ahaa in ay dhammaysteen dhammaan mudadii xukunkooda si cafiska ay uga mid noqdaan. Arrintani waxa ay ka dhigan tahay in kaliya maxaabiista xabsiga ku qaatay dhammaan mudadii xukunkooda ee lagu leeyahay $10,000 ama in ka yar oo mag ah loo fidinayo cafiska. Cafiska labaad waa in uu meesha ka saaraa qodobkaa xaddidaya ee aan loo baahnayn loona fidiyaa cafiska dhammaan maxaabiista u qalma, ha dhammaysteen mudadii oo dhan ama yayna dhammaysane.

Dadka xukuman ee ku xidhan saldhigyada booliska. Maadaama xabsiyada Somaliland ay hayaan in ka badan intii loogu tallo galay, dadka xukuman sidoo kale waxaa lagu hayaa saldhigyada booliska. Cafiskii 1-dii April kumay jiran ragga iyo dumarka ku xidhan saldhigyada, ciqaabtaas oo ay ku mutaysteen maadaama oo meel looga waayey xabsiyadii. Dhab ahaantii, marka ugu horreysa ee meeli ay ka bannaanaato xabsiga ayaa loo soo gudbiyaa, sida dhacday kadib cafiskii 1-dii April. In la xaqiijiyo in ay kamid noqdaan cafiska labaad waxa ay culayska ka yarayn doontaa xabsiyada. Waxa kale oo ay yarayn doontaa dadka ku xidhan saldhigyada booliska, taas oo ah arrin u baahan in si degdeg ah wax looga qabto, maadaama oo ay isa soo tarayaan xadhiga dadka loo xidho xayiraadda lagu soo rogay Qaadku.

In la ballaadhiyo maxaabiista xaqa u leh cafiska labaad iyada oo meesha laga saarayo shardiga mudada uu maxbuusku xidhnaa, iyo in lagu daro maxaabiista xukuman ee ku jira saldhigyada boolisku, waxa ay gacan ka geysanaysaa dhimista cidhiidhigii xabsiyada. Waxa kale oo ay ixtiraamaysaa dhaqankii wanaagsanaa ee naxariista iyo cafiska ee bisha barakaysan ee Ramadaan.

Horizon Institute waxa ay ku ammaanaysaa Madaxweyne Biixi tallaabada uu illaa hadda qaaday. Waxa aanu ku boorinaynaa in uu soo saaro cafis bishan barakaysan ee Ramadanta oo koobsata dadka xukuman, arrintaas oo qayb ka qaadanaysa dedaalkiisa uu ku illaalinayo maxaabiista, shaqaalaha xabsiga, saraakiisha booliska iyo bulshada lagagana hor tagayo coronavirus.