Somaliland: Korodhka Tirada Dadka laga Helay Xanuunka Covid-19 iyo Qof Ajaanib ah oo Ku Jira

Hargeysa(aftahannews):- Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa sheegtay inay sii kordheen kiisaska Dadka laga helay xannuunka Covid-19, waxaana soo kordhay lix Qof oo midkood ajaanib yahay, Shanta kalena reer Somaliland.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo warbixinta maalinlaha ah ee wasaaraddu ka soo saarto Covid-19 jeediyey 13-ka bisha May 2020, ayaa sheegay in Qofka ajaanibka ahi ka soo jeedo Dalka Bangalalesh.

Tirada guud ee Dadka la diiwaangeliyey ee xanuunka laga helay Somaliland, ayaa maraysa 54 Ruux, kuwaas oo ay xanuunka u geeriyoodeen 5 Qof, sida uu hore u sheegay Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka Somaliland.

Haddaba, Warbxinta uu jeediyey Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka Somaliland, waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho habboon:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.