Somalia: Wararkii ugu Dambeeyey ee Korodhka Covid-19 oo Tiro Cusub Gaadhay

Hargeysa(aftahannews):- Xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in 49 Qof oo cusub laga helay Xanuunka Coronavirus, kuwaas oo dalka laga diiwaan geliyey 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Dadweynaha ee Soomaaliya Dr. Foosiya Abiikar Nuur, ayaa sheegtay Arbaada 13-ka May 2020 in la diiwaan-geliyey deegaanno kala duwan oo Dalka Soomaaliya ka tirsan.

 “49 xaaladood, oo raggu yahay 38, Dumarkuna yihiin 11. Gobolka Banaadir waxa jooga 26 ka mid ah, Koonfur-galbeed 9, Puntland 8, Somalilandna waxa jooga 6 Qof… Tirada guud ee Dadka Soomaaliya xanuunka laga helay waxay isugu tegaysaa 1219 Qof, wax dhimasho ahi ma jiro 24-kii saac ee lasoo dhaafay. Dhimashadu weli 52 Ruux, waxaana ka bogsaday xanuunka 130 Qof guud ahaan.” Sidaa ayey tidhi Wasiir Fowziya.

Wasiirku waxaanay Bulshada u soo jeedisay inay qaataan talooyinka Caafimaad ee sida maalinlaha ah loogu jeediyo, isla markaana kala fogaadaan, guryohooda joogaan, Salaadaha ku tukadaan guryohooda oo aanay is-dhex-gelin, agabka ka hortagga xanuunkana adeegsadaan marka ay dibedda u baxayaan, sida Gafuur-xidh iyo faro-gashi.

Haddaba, Warbixinta maanta ee Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur, kaga hadashay xaaladihii u dambeeyey ee korodhka, xanuunka waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho habboon:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Somalia.