Afhayeenka Madaxweynaha Ruushka Oo Laga Helay Cudurka Coronavirus

Moscow, (Aftahannews)-10,899 oo qof ayaa laga helay Cudurka dunidda kusii faafaya ee Covid-19 gudaha Dalka Ruushka 24tii saac ee ugu danbaysay, 232,000 ayaa guud ahaa cudurkaan soo ritay sida ay xaqiijisay Dawlada Dalka Russia.

Dadka laga helay cudurkaan waxaa ka mid ah afhayeenka Madaxweynaha Russia Dmitry Peskov, Afhayeenka ayaa xaaladiisa caafimaad waxaa lagula tacaalayaa mid ka mid ah cusbitaalada wadankaas.

Wakaalada wararka ee TASS ayaa sheegaty in markii ugu danbaysay ee ay kulmaan Afhayeenka iyo Madaxweynaha ay ahayd bil ka hor, Ra’iisul Wasaaraha Ruushka Mishustin ayaa laga helay coronavirus labo toddobaad ka hor sidoo kale wasiirada dhaqanka iyo warshadaha dalka Ruushka ayaa iyadana laga helay cudurkan.