FIFA oo Kansashay Abaalmarintii Xiddigga Sannadka 2020 iyo Sababta!

aftahannews/ Sports :- Xidhiidhka kubadda cagta caalamka ee FIFA ayaa lagu soo warramayaa inay go’aansadeen inay gabi ahaanba kansalaan bixinta abaalmarinta THE BEST ee sanadkan 2020 oo markii hore qorshuhu ahaa in sidii caadiga ahayd bisha September la bixiyo.

Go’aankan ay qaadatay FIFA ayaan wali ahayn mid si rasmi ah uga soo baxay hay’daas balse isha xogta laga helayo ayaa ah wargeyska Marca ee ree Spain oo ah mid wax badan xog ogaal u ah saadaalo badan oo dhaboobana soo bixiyay.

Sida uu sheegayo wargeysku, FIFA ayaa guuleystaha The Best ee 2019-20 ka dhigi doonta mid aan gabi ahaanba jirin oo aan xataa la xusi doonin iyadoo sababta loo joojiyay xafladan sanadlaha ahayd ay tahay xanuunka dunida ku fiday ee Korona.

Xafladan ayaa markii hore lagu waday inay bisha Septermber ee sanadkan ka qabsoonto magaalada Milan ee Talyaaniga balse shuruudaha caafimaad ee haatan caalamka ka yaala ayaa FIFA ka dhigtay inay iska joojiso.

Lionel Messi oo ah guuleystihii abaalmarinta ee 2019 ayaa sanad kale noqon doona midka difaacda marba haddii aan abaalmarinta la bixinayn kaddib markii uu dhawaan kaga guuleystay Virgil Van Dijk iyo Lionel Messi.

Guud ahaan Cristiano Ronaldo ayaa ah xiddiga hoggaaminaya ku guuleysiga abaalmarintan xiddiga sanadka ee FIFA ee The Best maadaama oo uu laba jeer soo hantay waxaana soo raaca Luka Modric iyo Lionel Messi oo min hal mar haysta.

Abaalmarinaha kale ee waaweyn ee sanadlaha ah ayaa ah kuwo wali qabsoomaya, tusaale ahaan France Football ayaan wali wax go’aan ah ka gaadhin Ballon d’Or haddii ay kansalayso si lamid ah abaalmarinta xiddiga sanadka ee Yurub ee ay UEFA bixiso.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Somalia.