Wuu Geeriyooday, 78 Daqiiqadood ayuu Meyd ahaa! – Laacib Xabaasha Ka soo Ag Noqday oo Hadlay!

aftahannews (Sports):- Fabrice Muamba waa tusaale nool. Waxa uu ku badbaaday si mucjiso ah sababtuna waa in aanay waqtigiisii adduunyadu dhamaanin oo Illaahay uu maalin kale u dhigtay geeriyidiisa.

Maalin sabti ah oo ku beegnayd March 17, 2012, Fabrice Muamba waxa lagu qoray inuu geeriyooday, sida ay dhakhaatiirtu sheegeenna caadiyan wuxuu u ahaa mayd muddo 78 saacadood ah kaddib markii uu wadnuhu istaagay ee uu ku dhex-dhacay garoonka White Hart Lane ee Tottenham isaga oo ciyaar ku jira.

Ciyaartoydii garoonka joogtay ayaa dhamaantood oohin isku daray, taageereyaasha ayaa murugo ilmo kasoo daatay, qaarkoodna afka is hayeen illaa intii ay garoonka baxayeen.

Waqtigii nasashada ayaa la gaadhay, garoonka ayaa lagu soo noqday, aragtidiisa ayaa diciiftay, hortiisa markii uu eegayna waxa uu arkay laacibkii ka horreeyey ee Scott Parkers oo laba qof ah.

Waxa dhegihiisa kusoo dhacayay dhawaaqa difaaca Bedrych Boyata oo weydiisanaya inuu dib usoo noqdo, laakiin umuu jawaabi karaynin. Ilbidhiqsiyo kaddib indhaha ayaa dam yidhi oo madoobaaday, waxna wuu arki waayay.

Fabrice Muamba intaas kaddib dhulka ayuu yaallay iyadoo ay daawanayaan in ka badan 35,000 qof oo garoonka fadhiyey.

78 Saacadood oo ay dhakhaatiirtu la tacaalayeen xaaladdiisa, Allah ayaa maalin kale u dhigtay oo waqtigiisa ayaan dhamaanin, maantana wuu hadlayaa  oo talo ayuu soo jeedinayaa.

Fabrice Muamba oo xilligii uu wadnuhu istaagay u ciyaarayay kooxda Bolton Wanderers, ayaa waxa uu ka sheekeeyey sidii xaaladdiisu ahayd, waxaanu yidhi: “Waligay wadnahayga wax dhibaato ah kamaan dareemin. Caafimaadkayga waxba si’ kamay ahayn. Waxay ahayd maalin caadi ah, kaddibna dhulka ayaan ku dhacay.”

78 daqiiqadood oo aanu aakhiro iyo adduunyada midna joogin, waxa uu indhaha kala qaaday isaga oo yaalla cusbitaalka London Chest Hospital. Wadnihiisa ayaa bilaabay inuu garaaco, waxaanu si buuxda uga soo baxay koomadii uu ku jiray maalin Isniin ah iyadoo ay laba kalkaaliye caafimaad dul taagan yihiin.

30 habeen oo kale ayuu cusbitaalka kusii qaatay oo Dr Deaner uu caafimaadkiisa la tacaalayay, hadalladii ugu horreeyey ee dhegihiisu maqlaanna waxay ahayd iyadoo uu dhakhtarku ku leeyahay: “Waan fahamayaa inaad tahay ciyaartoy kubadda cagta ah oo aad u wanaagsan.”

Hadda waa 32 jir iyo aabbaha saddex wiil oo kala ah Joshua oo 11 jir ah, Matthew oo lix jir ah iyo Gabriel oo saddex jir ah, xaaskiisuna waa Shauna.

Si kastaba, waxa uu shacabka UK ka codsaday inay garab istaagaan dhakhaatiirta iyo waaxda caafimaadka ee NHS ee dagaalka kula jirta xanuunka Korona ee dadka badan ku dilay dalkaas.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Somalia.