Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Oo Dacwaysay Lix Dugsi

Hargeysa (Aftahannews)-Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland ayaa maanta shaacisay lix ka mid ah dugsiyada gaarka loo leeyahay oo ay dacwad rasmi ah ka gudbiyeen.

Saraakiisha wasaaradda waxbarashada katirsan ee  ka hadashay dacwadda ay wasaaraddu xeel ilaalinta u gudbisay waxa kamid ahaa Guddoomiye-yaasha Aagga Bari iyo Galbeed ee gobolka Maroodijeex Xuseen Cabdi Cawil (Food cadde), Cabdiqaadir jeex kuwaas oo sheegay in 6-Iskuul ay dib u fureen goobahii waxbarasho iyadoo talaabadaasi bulshada ku keeni karta halis ah, inuu xanuunku faafo. Masuuliyiintu waxa ay sheegeen inay dacwad ka dhan ah Dugsiyadaas ay u gubiyeen xeer ilaalinta gobolka Maroodijeex.

Masuuliyiinta ayaa sheegay inay dugsiyadaasi sifo aan sharci ahayn ay dib ugu furreen goobahii waxbarashada ardaydii iyo waalidiintina isugu yeedheen, iyadoo wali ay jirto halista xanuunka dilaaga ah ee covid-19 oo ku faafi kara dalka.