Ciyaartoy Real Madrid Ka tirsan oo Xabsiga loo Taxaabay! Maxay tahay Sababta loo Xidhay?

Aftahannews/ Sports:- Real Madrid ayuu soo gaadhay war aan fiicnayn oo ah in Salaasadii maanta xabsiga loo taxaabay laacib taariikhdeeda ku jira oo lagu qabtay isaga iyo toban qof oo kale, kuwaas oo gacanta lagu soo dhigay iyagoo daroogo kaga ganacsanaya gudaha waddanka Spain.

Edwin Congo oo Real Madrid u soo ciyaaray ayaa la xidhay isaga oo gacanta kula jira falal la sheegay inuu ahaa ka ganacsiga daroogo, laakiin waxa lasii daayay inyar kaddib.

Congo oo ay da’diisu tahay 43 jir, una soo ciyaaray Real Valladolid, Levante, Sporting Gijon iyo Recreativo de Huelva ka hor intii aanu ciyaaraha ka fadhiisanin ee aanu ku biirin telefishanka Spanish-ka ah ee ‘El Chiringiuito de Jugones’ ayaa lagu xidhay xarunta la-dagaallanka maandooriyaha, waxaana inyar kaddib loo ogolaaday inuu bannaanka u baxo markii laga qoray warbixin.

Congo ayaa yimid waddanka Spain sannadkii 1999-kii oo Real Madrid ay lacag dhamayd shan milyan oo Euro kaga soo iibsatay Once Caldas ee ka dhisan waddanka Colombia ayaa xilligaas noqday laacibkii reer Colombia ee ugu qaalisanaa.

Kaddib markii uu ku fashilmay inuu la qabsado Real Madrid, waxa amaah lagu siiyey Real Valladolid oo uu u ciyaaray 14 kulan oo uu u dhaliyey hal gool oo kaliya. Waxa uu markaas kaddib ku biiray kooxda reer Portugal ee Vitoria Guimaraes oo uu u dhaliyey 10 gool waxaanu usii dhaafay Toulouse oo Faransiis ah.

Intii uu joogay waddanka Faransiiska, Congo waxa uu u dabbaal-degay hal gool oo kaliya, kaddibna waxa uu dib ugu soo laabtay Real Madrid oo usii dirtay Levante oo uu u ciyaaray muddo afar sannadood ah.

Sporting Gijon iyo Recrativo de Huelva ayaa ahaa labada kooxood ee waaweyn ee ugu dambayntii uu u ciyaaray ka  hor intii aanu kubadda ka fadhiisanin sannadkii 2009.

Dhowaanahan, ayaa lagu arkay garoomada isaga oo xidhan funaanadda Real Madrid oo u ciyaaraya kulamada halyeeyada ee qaadhaanka lagu ururiyo, hase yeeshee maanta ayay sumcaddiisii sii xumaatay markii loo qabtay inuu daroogo ka ganacsado.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.