Soomaaliya oo la Shaaciyey Dadkii ugu Badnaa ee Hal Maalin Laga Helo Cudurka COVID-19 iyo Tirada guud

PEOPLE EFECTED CORONAVIRUS COVID-19 IN HOSPITAL.jpg
PEOPLE EFECTED CORONAVIRUS COVID-19 IN HOSPITAL.jpg

Muqdisho(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqday tiradii ugu badnayd ee hal Maalin laga helo caabuqa COVID-19, iyadoo Wasiirku sheegtay Salaasada 12-ka May in la diiwaangeliyey 81 Qof 24 saacadood gudohood.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Dadweynaha Federaalka Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur, ayaa warbixinteeda maalinlaha ah ee ay xaaladda xanuunka kaga warranto, waxay Salaasada 12-ka May ku sheegtay in la helay 81 xaaladood oo laga helay 4 Maamul-goboleed iyo Somaliland, siday hadalka u dhigtay.

Gobolka Banaadir, ayaa laga xaqiijiyay 44 Qof in xanuunka laga helay, halka Maamulka Jubaland 24 Qof laga helay, Maamulka Puntlandna 6 Ruux, Hirshabeelle 2 xubnood, halka Somaliland-na laga helay Shan Qof caabuqa COVID-19.

Tirada guud ee Dadka Soomaaliya laga helay cudurka COVID-19 ay marayso 1,170 (kun boqol iyo toddobaatan Ruux), halka ay tirada Dhimashadu ka gaadhay 52 Qof, sida ay sheegtay Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, oo intaas ku dartay in aanay 24-kii saac ee u dambeeyey markay hadlaysay aanay cid xanuunka u dhimatay jirin.

Wasiir Fowziya oo faahfaahinaysa Kiisaskaas, isla markaana farroomo baraarujin ah u jeedinaysa Bulshada Soomaaliyeed, waxaannu hadalkeeda idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee ka bogasho habboon:-

aftahaninc@gmail.com                                  

Aftahannews.com

Muqdisho/Somalia.