Masuuliyiinta Dowladda Hoose ee Hargeysa oo lagu eedeeyey inay Ku Tacaddiyeen Shaqaalohooda

Hargeysa(aftahannews):- Maamulka Dowladda Hoose ee Hargeysa, ayaa lagu eedeeyey inay tacaddi ka dhan ah xuquuqda ay leeyihiin ee sharcigu u oggol yahay kula kacaan Shaqaale-weynaha Dowladda Hoose isla markaana aan la siinin mushaharkii ay ku shaqaynayeen muddo dhowr bilood ah.

Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa maamulka Dowladda Hoose ee Hargeysa ku eedeeyey inaanay bixin mushaharkii shaqaalaha kala duwan ee ka hawl-gala Dowladda Hoose muddo Afar bilood ah iyadoo aanay jirin dakhli la’aan sababi karta inay shaqaalaha mushaharkoodu bilo ka maqnaado.

Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada heer Qaran ee Xisbiga Waddani, Maxamed Siddiiq Dhamme oo warbaahinta la hadlay maanta, waxa uu ugu baaqay maamulka Dowladda Hoose in sida ugu dhakhsaha badan mushaharkooda loo siiyo shaqaalaha Dowladda Hoose maadaama lagu jiro xaaladaha is-barkan ee Cudurka Covid-19 iyo diyaar-garowga Ciidal-Fidrigu ka mid yihiin.

Warkan oo faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose

aftahaninc@gmail.com                                  

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.