Tirada Dad Cusub oo Covid-19 laga Helay Somaliland iyo Xogta Warbixinta Wasaaradda Caafimaadka

Hargeysa(aftahannews):- Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa sheegtay inay sii kordheen kiisaska Dadka laga helayo xannuunka Covid-19 iyo, waxaanay tirada guud maraysaa hadda inta dowladdu sheegtay 48 Ruux oo 5 ka mid ahi Cudurka u dhinteen.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo warbixinta maalinlaha ah ee wasaaraddu ka soo saarto Covid-19 jeediyey Salaasada12-ka bisha May 2020, ayaa sheegay in shan Qof oo Rag ah oo Hargeysa ku wada nool laga helay xanuunka, kuwaas oo tirada ka dhigay 48 Qof.

Haddaba, Warbxinta Salaasada uu jeediyey Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyo farriinta uu Bulshada u diray-ba, waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho habboon:-

aftahaninc@gmail.com                                  

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.