Somaliland Sidee ayey ula Soo Noqotay Madaarka Berbera, Miyeyse Ka Baxday Heshiiskii Imaaraadka?

Hargeysa(aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland ahna Afhayeenka xukuumadda Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay inay Dowladdu la soo noqotay Garoonka Diyaaradaha ee Berbera oo Imaaraadka hore loogu wareejiyey, isla markaana dowladda imaaraadka dib u dhis ku samaysay, kana binaysay saldhig millateri oo heshiiska qayb ka ahaa.

Saldhiggaas iyo Madaarkaas oo Madaxweyne Biixi oo 14-ka bishii September 2019-kii hadal ka jeediyey magaalada Berbera, ayaa sheegay inay Somaliland la soo noqotay Madaarka Berbera oo 2017-kii Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo heshiis rasmi ah kula gashay dowladda Imaaraadka Carabta inay Saldhig Millateri ku dhigato muddo 30 ku siman.

Hase-yeeshee, markii uu warkaasi baahay ayuu Madaxweynaha Somaliland oo ku guda jiray safar uu 15-kii September 2019 oo ahayd maalin ka dib markii berbera warkaa ka sheegay magaalada Buro ka sheegay inaanay Somaliland ka bixin heshiiska ay Imaaraadka kula jirtay, hase-yeeshee, ay Diyaaradaha Sha’abku la istimaali doonaan garoonka berbera imaadaaraadka, saldhigguna sidiisii yahay.

Warkaas oo aanay dowladdu faahfaahin sugan ka bixin, ayaa jaho-wareer ku riday bulshada, isla markaana dhaliyey inay dadweynuhu su’aalo badan iska weydiiyaan, balse, waxa mar labaad soo noqday la soo noqoshada Madaarkaas, ka dib markii uu Wasiirka Warfaafinta oo shir Jaraa’id isniinta 11-ka May 2020 ku qabtay xarunta Wasaaradda uu hadalkiisa ku soo daray la soo noqoshada Madaarka Berbera ee Imaaraadka hore dowladda Somalialnd ugu wareejisay.

Haddaba, Warbixintan oo Muuqaal waxaan idiinku soo gudbinaynaa halkan hoose ee ka bogasho habboon:-

Si kastaba, ha ahaatee, Xukuumadda Somaliland, ayey Bulshadu uga baahan tahay Faahfaahin intaas ka badan iyo sababta keentay is-beddelka ku yimi heshiiskii hore ee imaaraadku saldhigga kaga dhisanayey Berbera, kuna maal-geliyey dib u dhis iyo asriyeyn lagu sameeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.