Khabiir Maraykan ah oo Abiye iyo Yamamoto ku eedeeyay inay isku Qasbayaan Somaliland & Soomaaliya

Hargeysa(Aftahannews)-Aqoonyahanka Michael Rubin oo ah khabiir Maraykan ah, ayaa Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed iyo safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto ku eedeeyay inay doonayaan inay midnimo qasab ah ka dhex dhaliyaan mar kale Somaliland iyo Soomaaliya.

Qormo uu shalay baahiyay Michael Rubin, ayaa wuxuu ku sheegay in danjiraha Maraykanku uu si indho la’aan ah u doonayo inuu heshiis jujuub u muuqda ka dhex dhaliyo Somaliland iyo Soomaaliya, “Arrintani waa isku day uu danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto isaga oo kaashanaya raysalwasaaraha aan waayo aragga ahayn laakiin himilada badan ee Itoobiya, uu ku doonayo in xal lagu soo rogo qadiyadda Somaliland iyo Soomaaliya.” Ayuu ku yidhi qoraalkiisa, waxaanu intaas ku daray  “Fikirka ah wadahadallo uu ka dhasho midowga Soomaaliya, ma’aha wax cusub; Turkiga ayaa hore ugu dadaalay in uu dhexdhexaadiyo, inkasta oo damaciisa dhaqaale iyo aragtiyihiisu ay sababeen in dadka deegaanku (Somaliland) ay ka aamin baxaan awoodda uu arrintaas u leeyahay ama damaciisa ah in uu noqdo dhexdhexaadiye daacad ah.  Si kastaba ha ahaato ee, ma cadda, sababta arrintan hadda keentay? Somaliya waxa ay qarka u saaran tahay guul darro, halka Somaliland ay si weyn u xasiloontahay. “

Wuxuu sheegay in Somaliland ay tan iyo 1991kii ku jirtay hayaan horumar, “Waxaas oo dhan ka sokow, markii ay Soomaaliya burburtay 1991 kii, Somaliland guul ayaa ay kor ugu soo kacday – waxa ay soo jiidatay ganacsiyo, waxa ay dhisatay dugsiyo heerkoodu aad u sarreeyo, waxa aanay qabsatay doorashooyin dimuqraaddi ah oo lagu hubiyey qalabka sawirka isha. Wadaniyiiyinta Soomaalidu waxa ay jeclaan lahaayeen in ay gacanta ku dhigaan talada Somaliland. Si kastaba ha ahaato ee dadka Somaliland intooda ugu badani, ma xiisaynayaa in ay nafahooda raciyad uga dhigaan dal ah kan ugu musuqmaasuqa badan adduunka welina qarka u saaran guuldarro.”

Wuxuu danjire Yamamoto ku eedeeyay inuu madaxda Soomaalida ugu hanjabo inay gaadhaan heshiis midnimo ah, “Yamamoto waa uu iska jeclaan karaa in uu shaqadiisa ku galaalo guulo diblumaasiyadeed, waanu aamini karaa in uu hoggaamiyeyaasha Soomaalida ugu cawaandadoodo in ay heshiis midnimo gaadhaan, inkasta oo ay Washington taladu ka baahsantahay. Dib u dhiska Soomaaliya iyo israaca gobalku waxa ay ahaayeen mawduuca ugu muhiimsan ee shaqadiisa.” Ayuu yidhi.

Waxa kale oouu Dr. Rubin intaas raaciyay in dadka reer Somaliland badankoodu ka soo horjeedaan midnimo mar dambe dhex marta Soomaaliya oo ay xorriyadooda dib ugala soo noqdeen sannadkii 1991kii.

Xigasho Geeska Afrika