Xukuumadda Somaliland Oo Cod-baahiyayaal Ku Xidhay Jidadka 

Hargeysa (Aftahannews)- Xukuumadda Somaliland ayaa cod-baahiyayaal ku xidhay jidadka mihiimka u ah isu socodka gaadiidka iyo dadka, ee magaalada Hargeysa.

Codbaahiyayaashaasi ayaa waxaa ka soo baxaya fariimo wacyigalineed oo Fariimo Wacyi xukuumaddu ugu talo gashay bulshada si ay uga taxadaraan ugana feejignaadaan xannuunka safmarka ah ee Covid-19.

Waxaana cod-baahiyayaashani lagu xidhay goobaha mihiimka ah ee bulshaddu isugu imaneyso, si loo xusuusiyo halista xanuunka dilaaga ah ee Corona-virus.

Hadaba qaybaha kala duwan ee bulshaweynta magaalada Hargeysa ku nool ayaa soo dhaweeyay talaabadan ay xukuumaddu fariimaha ku gaadhsiineyso muwaadiniinteeda si looga hortago fiditaanka xannuunka Covid-19.

Xasan Maxamed Cawaale kana mida bulshaweynta magaalada Hargeysa ayaa soo jeediyay in guud ahaan maayiradda goboladda iyo degmooyinka dalku iyaguna qaadan talaabo noocan oo kale ah oo bulshada lagu wacyigelinayo “Anigu waan soo dhaweynaya cod-baahiyayaasha lagu xidhay dariiqyadda, maada aanay gaadiidkii iyo wacyigelintii aanay wada gaadhayn maayiradda magaalooyinka Borama, Gabiley, Laascaanood, Ceerigaabo, Saaxil, Oodweyne, deegaankasta cidii joogteyba waxaan leenahay codbixiyayaashaasi hala istaadho fariimaha lagu gaadhsiinayo bulshadda, miyi iyo magaalo wacyigelintu sidaasi haw socoto”

“Markaan ka hadlo Covid-19 ololihiisa iyo ka hortagiisa waan soo dhaweynaya codbaahiyayaashan inoo baxaya iyo qaabkan ay hada guddidu wax u waddo, hase ahaate wax waliba waa Qadarta ILLAAHEY ee waa in xagga ILLAAHEY loo carraro xaga ALLE halo noqdo”Ayuu yidhi Cawil Cabdi Jaamac kana mida bulshaweynta magaalada Hargeysa.

Waxaa suuqa weyn ee magaalada Hargeysa si caadiya uga adeeganaya bulshadda, oo aad moodo in aanay kuba baraarugsaneyn halista xannuunka bulshadda aafeeyey ee Covid-19.

Khadar Maxamed Cabdillaahi kana mida bulshadda ku ganacsata suuqa Waaheen ayaa walaac xoogan ka muujiyay fiditaanka xannuunka Covid-19 iyo sida aanay bulshada u soo adeega doonaneysa u dhayal sanayaan, ayaa soo jeediyay in dadka la kala fududeeyo loona raadiyo gooba suuqa ka baxsan oo la dejiyo bulshadiina ka soo adeegan karto “Waxaad mooda bulshada Somaliland in ay bulshooyinka kale ka duwan yihiin waayo waa umadd aad moodo in ay dhago xidhan yihiin, waxaa la yidhi ‘bulshadu ha kala durkaan’, bulshooyinka qaar waaba la xakameeyay oo guryahooda kama soo baxaan, laakiin umadda Somaliland ku sugan waxaad mooda markii la yidhi hala kala durko inay soo saareen rayi’ah ha la isku soo urruro, waxaasina waa wax aan macquul aheyn oo hadii xannuunku sidan ku sii socdo aanay bulshadeena waxba ka hadhi karrin, marka waxaan leeyahay suuqyada qaarkood maba geli kartid sida suuqa weyn ee Waaheen oo kale, halkan aanu ku suganahay oo kale meelaha qaarkood suuragalba maaha in aad mari karto, marka umaddani waxaa ay u baahan tahay in la kala fududeeyo oo goobo ku meel gaadha la geeyo oo ay ka dukaameysan karaan”