Madaxweyne Walaac Ka Muujiyey Mashiinka Covid-19 Oo Lagu Tijaabiyey Riyo Iyo Wan

Dodomo (Aftahannews)-Madaxweynaha Tansaaniya John Magofoly ayaa  diiday in la isticmaalo mashiinno lagu baadho cudurka ‘corona virus’ ee dadka dalkaasi. Madaxweynaha ayaa sheegay inay mishiinadani cilladaysan yihiin oo ay muujiyeen natiijooyin khaldan.

Waxana uu sheegay inay u gudbiyeen dhiig adhi sida Riy iyo wan , laga qaaday oo lagu qoray magac qof iyo weliba da’diisa , markii ay soo jawaabeena ay ku sheegeen inuu yahay mid cudurku hayo “Positive’ , waxa kale oo uu sheegay in cambe babay ay ku tijaabiyeen oo isagana ku sheegay mid qaba cudurka. Waxa kale oo intaa ku daray in saliid injiin ay ku tijaabiyeen oo iyadana muujiyay in aanu kala cadayn qofkani inuu yahay mid xanuunka qaba “positive” ama mid “Negative “ ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in qalabka  baadhitaanka COFED-19, ee sidaa u shaqaynaya in uu yahay mid dibadda laga keenay laakiin ma bixin faahfaahin intaasi ka badan iyo cidda keenay iyo weliba dalka laga keenay.  (Alquds.Co.Uk)