Somaliland: Wasiirka Diinta oo Amray inaan Salaadaha Taraawiixda iyo Taajudka Masaajiddada lagu Tukan

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Abdillaahi Axmed oo shir jaraa’id gelinkii dambe ee Isniinta 11-ka May 2020 ku qabtay xarunta wasaaraddaas ee magaalada Hargeysa, ayaa amray in la joojiyo salaadaha Taraawiixda ah ee Masaajiddada lagu tukado laga bilaabo 12-ka May iyo Salaadda Taajudka ee tobanka dambe ee bisha ramadaan la tukado, si loo yareeyo faafitaanka Sadhada Covid-19.

Wasiir Khaliil, ayaa sidoo kale amray inaan la samayn karin Citikaafka masaajiddada lagu itikaafi jiray isla tobanka bisha Ramadaan ugu dambeeya, si looga hortago loona yareeyo faafitaanka sadhada Covid-19 ee dunida saameeyey oo ku sii badanaya Somaliland, isla markaana maraya 43 Qof dadka laga helay ee ay dowladdu sheegtay, kuwaas oo shan ka mid ahi dhimasho yihiin.

Halkan Hoose ka Daawo Muuqaalka Shirka Jaraa’id ee Wasiirku ku Amray Imaamyada Masaajidda:-

Wasaaradda Diinta iyo awqaafta, iyo guddiga ka hor-tagga Xanuunka ee heer Qaran ee Somaliland, ayaa hore u soo saaray go’aanno ay ku soo jeediyeen in la yareeyo salaadaha jama’a ah ee lagu tukado masaajiddada, taas oo aanay hirgelin ulimada masaajiddadu.

Hase-yeeshee, Musheekhda magaalada Berbera iyo Maamulka gobolka Saaxil, ayaa Axaddii isla qaatay in la joojiyo salaadda taraawiixda ah ee Masaajiddada lagu tukado, sidoo kale magaalada Boorama qaar ka mid ah Imaamyada Masaajiddada, ayaa maalmo ka hor joojiyey jama’a taraawiixda bisha ramadaan.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa geestiisa, tiraba laba jeer si adag ula hadlay Culimada Dalka, oo uu u soo jeediyey inay Dadkooda u naxariistaan, isla markaana ay Culimadu is-weydiiyaan haddii dadku xanuunka u madho Cidda ay tukin doonaan.

Haye-yeeshee, weli qaar ka mid ah ulimada, ayaa ku adkaysanaya inay sii wadaan salaadaha jama’a ah iyo taraawiixda, xilli dunida islaamka iyo waddamada kale ee Muslimiintu ku nool yihiin wada xidheen masaajiddada si loo yareeyo sadhada koofid-19, inkasta oo ay Musheekh maanta Hargeysa Warbaahinta kula hadlay soo jeediyeen in la joojiyo Salaadaha Jamaca ah, gaar ahaan Salaadaha sunnaha ah ee Taraawiixda, Taajudka iyo Citikaafka tobanka dambe ee Ramadaan Masaajiddada loo gaaryeeli jiray.

aftahaninc@gmail.com                                  

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.