Turkiga oo Hanjabaad Kulul u jeediyey Jabhadda Janaral Haftar ee Liibiya Dagaalka Wadda

Jeneral Khalifa Haftar and Turkey Tensions 2020.jpg
Jeneral Khalifa Haftar and Turkey Tensions 2020.jpg

Ankara/ Tripoli (Aftahannews):- Turkey ayaa Axaddii sheegtay inay ciidamada Jeneral Khalifa Haftar ka dhigan doonto bartilmaameed sharci ah, haddii ay sii socdaan weerarrada ka dhanka ah” danaheeda iyo howlgalkeeda diblomaasiyadeed ee Libya.

Jeneral Khalifa Haftar and Turkey Tensions 2020.jpg
Jeneral Khalifa Haftar and Turkey Tensions 2020.jpg

Turkey ayaa waxay taageertaa dowladda caalamka u aqoonsan yahay Libya, waxayna la gashay heshiis wada-shaqeyn militari ah, xilli xukuumadda Tripoli ay isku dayeyso inay iska caabiso weerarada kaga imanaya maleeshiyada Haftar.

Ankara ayaa cidamada Haftar, oo ay taageeraan Imaaraadka, Masar iyo Ruushka, u aragta inay yihiin “kuwa afgambi doonaya”.

“Haddii howlgalladeena iyo danaheena Libya la bartilmaameedsado, waxaan u arki doonaa ciidamada Haftar bartilmaameed sharci ah,” waxaa sidaas lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda, oo sidoo kale lagu cambaareeyey QM inaysan tallaabo ka qaadin weerarada Haftar.

“Waa wax aan la aqbali karin in QM ay kasii aamusnaato dilalkan,” ayaa lagu yiri bayaanka, oo intaas ku daray “Dalalka taageerada militari, tan maaliyadeed iyo midda siyaasadeed siinaya Haftar ayaa ka mas’uul ah dhibka ay marayaan shacabka Libya iyo qaska iyo xasilooni darrada la geliyey dalka.”

Wasaaradda arrimaha dibedda Turkey waxa kale oo ay sheegtay in weerarada garoonka diyaaradha Mitiga ee magaalada Tripoli lagu qaaday Sabtidii ay yihiin dambiyo dagaal.

Khamiistii, Turkey iyo Italy ayaa sheegay in aagga safaaradahooda Tripoli lagu soo duqeeyey hoobiyeyaal. Afhayeen u hadlay ciidamada Haftar ayaa beeniyey inay mas’uul ka ahaayeen duqeymaha.

Xigasho REUTERS.