Somalia: Tirada Dadka Laga Helay Xanuunka Covid-19 & inta u Dhimatay oo Korodhay

WASIIR FOOSIYA ABIIKAR NUUR 2020
WASIIR FOOSIYA ABIIKAR NUUR 2020

Muqdisho(Aftahannews):- Dawladda federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in 35 Qof oo cusub laga helay Xanuunka Coronavirus, kuwaas oo dalka laga diiwaan geliyey 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

WASIIR FOOSIYA ABIIKAR NUUR 2020
WASIIR FOOSIYA ABIIKAR NUUR 2020

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Dadweynaha ee Soomaaliya Dr. Foosiya Abiikar Nuur, ayaa sheegtay Isniinta 11-ka May 2020 in la diiwaan-geliyey 35 xaaladood oo cusub oo 24 Qof ku sugan yihiin gobolka Banadir, 3 ka mid ahina Somaliland iyo halka ay 8 Qofna joogaan Puntland.

Wasiirku Caafimaadku waxay soo sheegtay in 35-kiis, hal qof dhimasho yahay, waxaana tirada guud Dadka Covid-19 ugu dhintay Soomaaliya marayaan, 52 Qof, halka Tirada guud ee Dadka Cudurku laga helayna marayaan inta la diiwaangeliyey 1,089 Qof.

Xanuunka waxaa ka ladnaaday 121 Qof, sida ay Wasiirku warbixinteeda Isniinta ku sheegtay. Waxaanay Bulshada u soo jeedisay Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya inay qaataan talooyinka Caafimaad ee sida maalinlaha ah loogu jeediyo.

Waxay Wasiir Fowziya Dadweynaha fartay inay kala fogaadaan, guryohooda joogaan, Salaadaha ku tukadaan guryohooda oo aanay is-dhex-gelin, agabka ka hortagga xanuunkana adeegsadaan marka ay dibedda u baxayaan, sida Gafuur-xidh iyo faro-gashi

aftahaninc@gmail.com                                  

Aftahannews.com

Muqdisho/Somalia.