Meydad laga soo saaray Markab degay oo Kabtankiisii la dacweeyey

South Koria(Aftahannews):- Ehelada qaar ka mid ah 250-ka qof ee rakaabka ahaa ee la la’yahay kaddib markii uu qalibmay maalintii arbacada ahayd markab laga lahaa Kuuriyada Koonfureed ayaa waxa ay isku dhaceen ciidamada bileyska.

140420031303_sewol_victim_304x171_ap_nocredit

Xubnaha qoysaska dadka la la’yahay oo ka carooday sida gaabiska ah ee uu u socda hawlgalka baadigoobka ayaa dalbanayay in la soo saaro meydadka eheladooda ee ku dhex xanniban gudaha burburka markabka.

Habeennimadii xalayto, bad-maaxiinta baadigoobka ugu jira meydadka ku dhex xanniban gudaha markabkaasi ayaa markii ugu horreysay waxa ay soo saareen meydadka 17 qof oo hor leh, kaddib markii ay ku guulaysteen in ay gudaha u galaan markabkaasi.

Ilaalada xeebaha Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in bad-maaxiintu aysan sheegi karin goobta gaar ahaan ay meydadkani ka soo saareen sababo la xiriira aragtiga gunta hoose ee biyaha oo aad u xun. Ilaa haatan 49 qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen.

Xigasho BBCSOMALI.COM.