Somaliland Oo Xaqiijisay Inuu Sarre U Kacay Xannuunka Coronavirus

Hargeysa, (Aftahannews)-Wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa maanta shaacisay inay kordheen Kiisaska cudurka Coronavirus iyo weliba dhimashada, iyada oo shalay un shaacisay Kiisas hor leh, xili uu shaqo bilaabay sheybaadhkii lagu baadhayey cudurkaasi ee gudaha Somaliland.

Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa sheegay inay soo kordheen maanta 6-kiis oo cusub, kuwaasi oo la xaqiijiyey inay qabaan cudurka Coronaha oo maalinba maalinta ka dambeysa kusii fidaya deegaanadeeda.

Sidoo kale waxa uu agaasimuhu xaqiijiyey in uu maanta qof kale ugu geeriyooday cudurkaasi deegaanadooda, taasi oo ka dhigaya tirada dhimashada 5-qof, midaasi oo ka badan tirada bogsashada oo iyadu mareysa 3-qof.

Kiisaska guud ee gudaha Somaliland ayaa gaadhay 40-qof, kuwaasi oo iskugu jira qaar ku jira Karantiilka dowladda iyo kuwa iyagu si iskood ah loogu karantiilay guryahooda, sida uu sheegay Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka.

Somaliland ayaa u muuqata mid uu si weyn ugu sii fidayo cudurka safmarka ah ee Coronavirus, iyada oo bulshada ku dhaqan deegaanadaasi aysan ku baraarugsaneyn halista cudurkaaasi dilaaga ah.