Cudurrada Safmarka Ah Muxuu Ka Yidhi Nabi Maxammed(SCW)?

Khubarada Muslimiinta waxay sheegayaan in ay dadka ka caawineyso in dib loogu noqdo tilmaamihii Nabi Maxamed (SCW) ee la xidhiidhay la dagaallanka cudurrada safmarka ah.

Shuruucda Islaamka ee la xidhiidha ka hortagga cudurada faafa iyo in dadka laga difaaco in ay xanuunkaas qaadaan ama u dhintaan waxay soo billaabatay xilligii Nabiga(SCW) sida lagu qoray bogga warbaahinta Turkiga ee TRT World.

Qoraalkaas ayaa sidoo kale lagu sheegay in marar badan uu Nabi Maxamed u sheegay asxaabtiisii in noloshooda ay dhowraan, sida ku xusan Axaadii badan, isagoo dadka ku boorinayay in aysan aadin ama gelin meelaha ay ka jiraan cudurada safmarka ah.

“Nabigeena Maxamed (SCW) wuu ka hadlay arrinta karantiilka 14-ka maalin ah, boqollaal sanno ka hor,”ayuu yiri Cafer Karadas, oo Arrimaha diinta ka dhiga Jaamacadda Uludag, ee dalka Turkiga wuxuuna tixraacayay mid ka mid ah Axaadiista aadka loo garanayo.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culimada Soomaalida isagoo ka hadlayay maalmihii uu bilowga ahaa fayraska Korona, ayaa soo qaatay xadiiskaas, “Markaad maqasho [daacuunka] dhul uu ku dhacay [oo aad joogto] haka bixin, haddii aad maqasho dhul uu ka jirana ha u tagin,”ayuu yidhi Nabiga CSW.

“Culimada qaar waxay isku khilaafaan daacuunka. Qaar waxay leeyihiin xanuun kasta oo fida daacuun baa la dhahaa. Sidaa darteed, qaarkood waxay siiyaan in cuduradan markasta dillaacaya ee fayraska ah ee abtirka kala gedisan leh ee aadanaha baabi’inaya waxay siiyeen axkaamtii daacuunka,” ayuu yidhi Sheekha.

Sida uu xusay Karadas,”Arrintan waxay la xiriirtaa qaabka karantiilka casriga ah. Waxa hadda loo adeegsanayo [ee quseeya corona fayras] wuxuu la mid yahay taladii uu bixiyay Nabi Maxamed.”

Sheekh Umal ayaa dhankiisa yidhi: “U fiirsada sida uu Nabiga (SCW) ula tacaamulay daacuunka. Cudurada noocan ah siduu ula tacaamulay waa sida hadda uu adduunka uga hortagayo”.

“Waxaa waaye in meesha uu ka dillaacay inta ku jirtana aysan soo bixin, inta ka maqanna aysan soo gelin. Nabiga SCW baa sidaa u daaweeyay,” ayuu hadalka ku sii daray.