Coronavirus Oo Sababay Sare U Kaca Guurka Kuwa Aan Qaan-Gaadhka Ahayn Iyo Dareenadda Ku Xeeran

Addis-Ababa (Aftahannews)-Gobollo ku yaalla deegaanka Amxaarada oo ka tirsan dalka Itoobiya marki iskuullada Coronavirus dartii loo xidhay waxaa si weyn u kordhay guurka aan qaan-gaadhka ahayn.

Wasaaradda haweenka, dhalinyarada iyo carruurta ee u xil saaran ka hortagga caadooyinka xunxun ee loo geysto gabdhaha yaryar ee lagula kaca guurka aan qaan-gaarka ahayn waxay sheegtay dugsiyada xidhan iney dhibaatada sii huriyeen.

Ku-xigeenka wasaaraddaasi Selaamaawiit Alamaayehu waxay sheegtay inta dugsiyada waxbarashada loo xidhin cudurka safmarka ee Coronavirus xogta gabdhaha falalkaasi lagula kaco ay ka heli jireen maamulada dugsiyada iyo macallimiinta dugsiyadaasi wax ka baro.Balse hadda maadaamaa ay goobihi waxbarashada xiran yihiin ay adag tahay in si fudud xog loo helo.

Aroosyada guurka aan qaan-gaarka ahayn ee dhici jiray wixi Coronavirus ka horreeyey si fudud ayaa loola socon jiray balse hadda aroosyada dhacayo laftooda waxay dhacaan iyada oo aan xogtooda la helin”Wasaaradda oo kaashaneyso guddiyada ka hortagga Coronavirus waxay haatan billaawday iney guri ka guri xog uga raadiso gaar ahaanna goobaha sida aadka ah uu uga dhacayo guurka aan qaan-gaarka ahayn” ayey tidhi“Xogta ay wasaaraddu heshayna dhibka wuxuu ku badan yahay oo si aad ah uu uga jiraa gobollada Koonfurta Goonder iyo Bariga Gojam.”

Desaalegn Bitew oo maamula ka ah mid ka mid ah dugsiyadaasi hoose ee gobolladaasi ka jira wuxuu sheegay “waagi hore xog ku saabsan guur aan qaangaar ahayn waxaan ka heli jirnay ardayda gabdhaha ee lagula kaca iyo saaxibbadood. Xogta mrkaan helno oo aan xaqiijinno iney sax tahayna waxaan laamaha dowliga ee ay quseeyso si looga hortago guurka aan qaarka ahayn ee dhici lahaa.”

“Goobaha waxbarashada ee Coronavirus dartii loo xidhayna wuxuu sababay inaan xog nagu filan helin maadaamaa ay ardayda iyo macallimiintaba ay imanin goobaha waxbarashada.”

Deegaankaasi seddexdi sano ee ugu dambeysay waxaa ka socday olole ballaadhan oo gabi ahaanba lagu joojinayo guurka aan qaan- gaadhka ahayn.Sannadkii tagay ee 2019-kii waxay wasaaraddu sheegtay in la joojiyey in ka badan 5,800 guur aan qaan gaadh ahayn.

Dadaal dheer oo loo galay in guurka aan qaan-gaadhka ahayn la joojiyana waxaa tallaabbo sharci laga qaaday 46 qof oo arrimahaasi ku lug lahaa.Waxayna wasaaraddu sheegtay guurka aan qaan-gaarka ahayn inuu gabadha yar uu ku keeno dhibaatooyin ay ka mid yihiin mid maskaxeed, mid jireed iyo waxbarashada oo ka istaagto”Guurka aan qaan-gaadhka ahayn joojintiisa waxaa kaalin mug leh ka qaadan karo waaliddiinta oo fahmo dhibaatada ay gabadha la kulmeyso sidaana ay isku saxaa. Balse ciddii talooyinka iyo wacyigelinta loo soo jeediyo qaadan weyso waxaa laga qaadayaa tallaabbo sharci ah“Qofki lagu helo falkaasina sharciga ciqaabta ee Itoobiya u yaallo wuxuu dhigayaa inuu qofku muteysanayo 3-25 sanno oo xidhiga ah” ayey tidhi Netsanet.

Deegaanka Amxaarada qowmiyadda Amxaarada ee ugu badan waxay dhaqan u leeyihiin gabadha markay dhalataba in nin la siiyo 9 jirna lagu guuriyo, inkasta oo ay socdaan dadaallo balladhan oo lagu doonayo in caadadaasi xun lagu joojiyo..