Covid-19 Iyo Atletico Madrid Oo La Il-darran Iyo Kuwo Lagu Raad-jooggo

Sida wararku ay sheegayaan toban ciyaaryahan oo ka tirsan Kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ee dalka Spain ayuu ku dhacay Coronavirus, laakiin kaliya hal ciyaaryahan ayaa ka soo kaban waayey.

Qorshaha Kooxda Atletico Madrid ee ah inay tababarka dib ula bilaabaan ciyaartoy kasta oo waa weyn ayaa dhaawac xun soo gaadhay Jimcihii, iyadoo ay soo baxday in Renan Lodi laga helay COVID-19.

Xiddiga reer Brazil ayaa leh astaamaha xanuunkan, laakiin waxaa lagu karantiilay gurigiisa, si looga hor tago inuu la xidhiidh saaxiibadiisa ay isku kooxda yihiin.

Jariiradda MARCA ayaa heshay warbixin ku saabsan xanuunka difaaacan bidix, kaasoo ku jira marxalad aad u horumarsan, laakiin haddii la tijaabiyo oo laga waayo xanuunkan kaddib markaas wuxuu awoodi doonaa inuu ku biiro tababarka xarunta kooxda.

Lodi ayaa markaa kaddib lagu tijaabin doonaa dhowr maalmood oo kale si loo arko inuu ka gudbay cudurka, inkastoo kooxda ay horey u ogtahay inuu ka mid ahaa 10-kii ciyaaryahan ee Atletico Madrid oo uu ku dhacay caabuqan.

Si kastaba ha ahaatee, tijaabadii la sameeyey dhowaan ayaa muujisay inuu yahay ciyaaryahanka kaliya ee wali aan ka soo kaban xanuunka Coronavirus.