Cusbitaal Isku Khalday Caruur Ku Dhalatay Iyo Mucjisadda Ku Lammaan

Hooyada Hindiga Muslinka ah ee Salma ayaa maalin kasta ninkeeda u sheegi jirtay  in wiilka yar ee ay haysataa aanu ahayn wiilkii ay dhashay.

Ninkeeda ayaa markii danbe u tegay nin Cilaaj haysta waxaana uu u sheegay arinkaasi, laakiin ninka Faaliyaha cilaajka haysta ayaa ninka u sheegay inay gabadhiisu bugto oo isla markaana ay waalan doonto muddo ka dib haddii aanu siin dawooyin u ka iibiyay.

Markii uu dawooyinka ka qaaday gabadhiisu way diiday inay isticmaasho dawada ninka cilaajka haysta iyadoo u sheegtay in aanay bukin haba yaraatee wax cudur ahna qabin.

Muddo ka dibna ninkeeda ayaa u tegay dhakhtarkii ay ku umushay  ee Mangaldai Civil Hospital, kaasi oo isaguna u yeedhay dhamaan waalidiinta wiilashii ku dhashay bishii March 2015. Waxaana dhamaantood laga qaaday DNA.   Waxase yaab noqotay in qoys Hindu ah wiilka ay haystaan iyo wiilkan yar ee muslimku dhaleen ay isku khaldameen, sidaa awgeedna ay tahay inay kala bedeshaan.

Laakiin hooyada Hinduga oo lagu magacaabo Shewli Borro way  diiday in wiilka ay haysato ee Riyan ay dhashay gabadha kale ee Salma.

Hooyada Borro ee Hinduga ah ayaa iyadoo ooyayasa tidhi :” kani waa ilmahaygii wuxu u eegyahay ninkayga, anagu waxaanu nahay dadka Hudu lama mid nihin dadka asalka iyo kuwa muslimka ah indhayagu way ka duwan yihiin , gacmahaygu way xoogan yihiin anagu waxaanu u eegnahay Monogoliyanka”.

Wiilka yar ee Qoyska mulsinka ahi doonayaan oo lagu magacaabo Rayan aya isna diiday inuu ka tago hooyadiisa korisay ee uu la noolaa mudada 3 sano ahayd. Ugu danbaystii labada qoys ayaa isla qaatay inay koriyaan labada wiil isla markaana marka ay weynaadaan iyaga la dooransiiyo qoyska ay raacayaan, iyo inay labada qoys xidhidh yeeshaan oo mar walba isu yimaadan, qisadan ayaa dhacaday dabaqayaqadii bisha Janaweri 2018, Sawirkuna waa labada qoys oo mid kasta wiilka uu hayo korinayo.