“Fayraska Korona Si Badheedh Ah Ayaa Loo Sameeyey, Waxaana Loogu Talo-galay Inuu Laayo Dadka Madow”

Halyeygii Arsenal iyo xulka qaranka England ee Sol Campbell ayaa aaminsan in Fayraska Korona uu yahay mid gacanta lagu sameeyey oo loogu talo-galay inay ku baaba’aan dad gaar ah.

Aafada xanuunka Fayraska ee dunida saamaynta badan ku yeelatay ayaa waxa dalka uu laacibkan hore u dhashay ee UK uu noqday midka labaad ee dadka ugu tirada badan ku dhinteen dunida, iyadoo kaalinta koowaadna uu Maraykanku ku jiro.

Sol Campbell oo ah tababaraha kooxda yar ee Southend waxa uu bartiisa soo dhigay sawirka qof xanuunkan qaba iyo qoraal midka mid ah warbaahintu daabaceen oo sheegayay in dadka madow ay afar jibbaar uga dhimasho badan yihiin fayraska dadka kale ee caddaanka ah, sidoo kalena dumarku ay u nugul yihiin marka la barbar-dhigo ragga, ayaa waxa tilmaamay inuu yahay mid gacanta lagu sameeyey oo loogu talo-galay in lagu cidhibtiro dad gaar ah.

“Fayraskani ma wuxuu yahay qalad dabiici ah mise qalad la habeeyey…” ayuu Sol Campbell ku bilaabay qoraalkiisa, waxaanu kusii daray: “Waxaan la yaabanahay in fayraskani uu si ula kac ah u weeraryo nooc dhiig ah…?”

Hadalkan oo loo turjumay inuu ula jeedo dadka madow maadaama sida qoraalkaasi uu tilmaamayo ay ka nugul yihiin caddaanka ayaa waxa markiiba uu kala kulmay cambaarayn loogu jeediyey baraha bulshada.