Muxuu Yahay Xannuunka u dheer Soomaalida UK Murugada & Geerida?

London (Aftahannews)-Murugada iyo tiiraanyada ay huwan tahay geerida qofka aad jeceshay aabe, hooyo, sey, xaas, walaal, ehel ama saaxiib waa mid ka mid ah waxyaabaha qofka soo wajaha, balse hadda waxyaabaha aafada fayraska corona uu sababay ayaa ah inaanay suurtagal aheyn inaad hareer joogto ama aad macasalaamo tidhaahdo.

Xaqiiqda dhabta ah ee jirta ayaa ah in ujeedadu tahay sidii qof kasta looga illaalin lahaa fayraska, kuwa aadka cudurka ula ildaran waxaa xannuunka ugu sii daran inaanay awoodin in qoyskoodu aanay la joogi karin, kuwa dhintayna waxaa adag in sidii hore looga qayb galo aaskooda.

Soomaalida boqolaalka kun ah ee ku nool UK waxay ka mid yihiin bulshooyinka sida ba’an uu saameeyey cudurku, inkastoo tiro koob dhameystiran aan loo hayn haddana dadka Soomaaliyeed ee cudurka u geeriyooday waxaa lagu qiyaasayaa ku dhawaad 40.

Qoysaska ay dadkaasi ka baxeen wax aysan ku maqlin sheeko iyo shaahid ayuu covid19 uga tagay waa dadkoodii oo la aasay xittaa iyagoon wajigooda arag.

Muniir Maxamed Xaaji Maki oo 23 sanno jir ah Aabihiis Maxamed Maki wuxuu ka mid ahaa dadka 30-ka kun ka badan ee cudurka u geeriyooday, isagoo ka hadley waxa aan qalbigiisa iyo tan qoyska ka go’i karin ee dhimashada Aabihiis u dheer wuxuu yidhi;”Aabahay wuxuu Isbitaal ku yaal London ku jiray in ku dhow 4 todobaad, muddadaas aniga , hooyadey iyo toddobada caruurta ah ee ila dhalatay ma aynan arki karin aabaheen oo xannuunsan, cunto xittaa uma aynan geyn karin, waxa kaliya ee xaaladiisa inooga warami jiray waxay ahaayeen dhakhaatiirta”