Covid-19: Dad Lagu Aasayo Qabuuro Cusub Oo Ku Yaalla Muqdisho

Muqdisho (Aftahanews)-kiisaska COVID19 ee Soomaaliya waxay ku sii dhaw yihiin 1000 kiis, iyadoo labadii todobaad ee lasoo dhaafay la diiwan galiyay kiisaskii Covid-19 ee ugu badnaa.

Inkastoo wali uu faafitaanka xanuunka uu jiro haddana mas’uuliyiinta magaalada Muqdisho ayaa ka digaya in tirada dadka xanuunka qabo ama u dhimanayo xanuunka ay intaas ka badan tahay.

Warihaya BBC-da ee magaalada Muqdisho Bella Sheegoow oo warbixintan Muqdisho ka soo diyaarisay ayaa sheegtay iney qabruurihi hore ee Muqdisho ay buuxsameen oo haatan dadka lagu aaso qabuuro cusub.

Afar qoys oo mid walba uu qof ka dhintay ayaana qabuuraha joogay, wajiyadooda murugo ayaa ka muuqatay, waxay waayeen xubin qoyskooda ka tirsan oo aan dib ugu soo noqoneyn.

Ilaa hadda ma cadda inta ay la’eg tahay tirada dadka Muqdisho dhexdeeda Coronavirus ugu dhimanaya, laakiin dadka xabaalahan joogo ayaa BBC u sheegay inuu korar ku yimid qabriyada ay qodaan iyaga oo sheegay iney maalinkasta qodaan ilaa 20 qabri.

“Sidaad ogtihiinba markii hore ilaa iyo 450 qabri iyo wax ka agdhow ayay qabuuraha ahaan jireen laakiin bishan 558 ayey ahaayeen marka 100 baa ku korortay, waa bishi la soo dhaafay ee afaraad taasoo macnaheedu yahay maalin walba 3-4 qof ku dhawaad oo siyaada ah ayaa halkan la keenayey. Marka dadweynihi oo xawaalaha loo soo dahweeyey wey noqon kartaa dhibka jirana qayb ayuu ka yahay taa lama inkiri karo” ayuu yidhi guddoomiaha qabuuraha barakaat Cali Wehliye.

Cudurka COVID19 wuxuu ku faafay gobollada dallka oo dhan, dadka caafimaadka ka shaqeeya ayaana dagaal kula jira xanuunkan laakiinse Soomaalia malahan awood kaga hortagto ama ay kula socoto tirada saxda ah ee xanuunkan, waxaanay sidoo kale lahayn adeegyo caafimaad oo awood u leh dawaynta dadka uu xanuunka uu soo rito.

Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney dad 40 qof ka badan ay u geeriyoodeen xanuunka corona. Laakin duqa magaalada muqdisho ayaa sheegay in labadii todobaad ee la soo dhaafay ay maamulka gobolka diiwaan galiyeen 500 oo dhimasho, tiradaan ayaa aad uga badan intii hore u dhiman jirtay waxuuna u badiyay inay covid-19 u dhinteen dadka geeriyooday.