Trump: “Coronavirus Waa Dagaalkii Ugu Xumaa Ee Mareykan Lagu Soo Qaado..”

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa cudurka saf-marka ah ee coronavirus ku tilmaamay in uu yahay “weerarkii ugu xumaa” ee abid lagu soo qaado Mareykanka, waxa uuna farta ku fiiqay dalka Shiinaha.

Trump waxa uu sheegay in cudurkaasi uu Mareykanka u galay si ka xun weerarkii Japan uu ku qarxiyay dekadda Pearl xilligii dagaalkii labaad ee adduunka ama xitaa weerarkii 11-kii Sebtembar ee sanadkii 2001.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa ka baaraan degaya in uu qaado talaabooyin ciqaab ah oo ka dhan ah Shiinaha, sababo la xidhiidha qaabka uu u maareeyay cudurkaasi iyo in uu dunida inteeda kale u qariyay cudurka.

Xukuumadda Beijing waxay sheegtay in Mareykanka uu doonayo in uu ka weecdo jawaabtiisii gaabiska ahayd ee ka hortagga cudurkaasi.

Tan iyo markii bishii Diseembar uu cudurkan Covid-19 ka soo billowday magaalada Wuhan ee dalkaasi Shiinaha, waxaa la xaqiijiyay inuu ku dhacay 1.2 milyan oo qof oo Mareykan ah, isla markaana uu galaaftay nolasha in ka badan 73,000.

Madaxweyne Trump oo weriyeyaasha kula hadlayay Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa dhawaan sheegay: “waxaa na soo marnay weerarkii ugu xumaa ee abid soo maro dalkeena, kani waa weerarkii ugu xumaa ee aan abid na soo maro,” ayuu yidhi Trump”Waa mid ka xun weerarkii dekadda Pearl, waa mid ka xun weerarkii daarihii mataanaha ahaa ee xarunta ganacsiga adduunka. Waligeen nama soo marin weerar kan oo kale ah, nama ahan in uu mar dambe na soo maro. Waxay ahayd in looga hortago halkii uu ka soo billowday ee ahayd Shiinaha balse ma aysan dhicin.”

Mar la weydiiyay in cudurkani uu u arko in uu yahay ficil dagaal oo dhab ah, ayaa Trump waxa uu sheegay in cudurkani noqday cadawga Mareykanka, halkii uu ka ahaan lahaa cadawga Shiinaha .

Khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Washington iyo Beijing ayaa waxaa sii huriyay hadal Arbacadii ka soo yeedhay xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Mike Pompeo, oo Shiinaha ku eedeeyay in uu dunida ka qariyay xogta rasmiga ah ee cudurkan.

Madaxweyne Trump oo doonaya in mar kale xilkaasi loo soo doorto ayaa hadda u muuqda eedeynta Shiinaha mid uu ku kasbanayo kalsoonida dadka codbixiyeyaasha ah.

Trump iyo ninka kale ee uu tartanka kala dhexeeyo ee Joe Biden, ayaa labaduba u muuqda kuwo saameynta sii kordheyso ee Shiinaha u adeegsanaya arrimo siyaasadeed maadaama ay wajahayaan xilli doorasho.