Abiy Ahmed Oo Ciqaab Adag Ku Hanjabay Kadib Go’aankii Kasoo Baxay Tigray-ga

Addis Ababa (Aftahannews) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa ku hanjabay in dowladdiisa ay tallaabo ka qaadi doonto dadka ku xadgudbaya dastuurka, “si loo ilaaliyo nabadda iyo amniga dadweynaha.”

Abiy oo ka hadlay arrimaha ka taagan dalka ayaa sheegay in baahida hanaan diqmoraadi ah oo laga wada qeyb-galo uu yahay waxa ay tiigsaneyso Itoobiyada cusub, islamarkaana doorashooyinka qaran ee soo socda ay muhiim u yihiin si hadafkaas loogu guuleysto.

Abiy Ahmed ayaa mar kale ku celiyey go’aankii Guddiga Qaran ee Doorashooyinka ay soo saareen 31-kii march, ee ahaa inaan la qabin karin doorashooyinka la waqtiyeeyey bisha August, sababo la xidhiidha cudurka Coronavirus.

Taas waxa uu macnaheedu yahay in doorasho aysan dhici karin ka hor waqtiga uu ku eg yahay muddo xileedka baarlamanka oo ah bisha October.

Dastuurka Itoobiya si cad uma qeexayo habka ay tahay in dib u dhigis doorasho loo sameeyo, taasi oo keentay in baarlamanka uu u saaro guddi soo sameeyo sharaxaad dastuuri ah.

Hase yeeshee waxaa taas ka hor-yimid xisbiyada qaar. Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray-ga ee TPLF, oo ah xisbiga ugu weyn gobolka Tigray, ayaa sheegay in doorashooyinka gobolka Tigray ay ku dhici doonaan waqtigooda, ayaga oo ku gacan seeray go’aankii dowladda ay ku baajisay doorashooyinka.

Ra’iisul wasarae Abiy ayaa sheegay in cid kasta oo isku dayda inay go’aankaas ka hor-timaada laga qaadi doono tallaabo, islamarkaana ay dowladdiisa qaaddi doonto tallaabo kasta oo ay ku ilaalineyso kuna difaaceyso dastuurka.

“Cid kasta oo doorasha aan sharciga waafaqsaneen iney qabato dooneyso, isla-markaana damacsan iney awoodda deegaan xoog ku qabsato dowladda federaalka wixii hadda ka dambeeyo uma dul qaadaneyso, tallaabba kasta inaan qaadanana diyaar ayaan u nahay” ayuu yidhi.

“Kuwa doonaya inay hab aan dastuuri ahayn kula wareegaan awoodda, waxaa ciqaabi doona sharciga,” ayuu Abiy ku yidhi khudbad uu jeediyey oo uu soo dhigay bartiisa facebook.

“Ma ahan in dhallinyaradu ay dhintaan, ma ahan in hooyooyinka ay ooyaan, mana ahan in la gubo guryo, si siyaasiyiin ay u helaan xukun,” ayuu yidhi.

Waxa uu intaas ku daray “Xisbiyada doonaya awood wadaag ayada oo aanay doroasho dhicin ma ahan wax la qabali karo, waxayna jebineysaa dastuurka Itoobiya iyo xeerarka caalamiga.”

TPLF ayaa xisbiga Abiy Ahmed ee PP ku eedeeyey inaysan dooneyn inay doorasho qabtaan, islamarkaana ay u adeegsanayaan cudurka Coronavirus “cudurdaar ay ku aas-aasaan kali-talis hal nin ah.