Xog Ku Saabsan Qaar Ka Mid Ah Soomaalida U Geeriyooday Covid-19

Kumanaan kun oo qof ayaa dalka UK ugu geeriyooday cudurka Covid19, waxaana dadkaasi ka mid ah ku dhowaad 40 qof oo Soomaali ah. Waxay isagu jiraan da’ kasta – waayeel iyo carruur – kana mid ahaa qaybaha bulshada.

Tiro koobkii ugu dambeeyey ee laga sameeyey UK 2011, wuxuu muujinaya in Soomaalida degan UK ay yihiin 108,000, laakiin haddii la tirko koobo dadka British-ka ah ama dalalka kale ee reer Yurub dhalashooda haysta ee UK ku nool waxay tiradaasi noqon kartaa in ka badan 300,000.

Xog ururrintii u dambeysay ee Dawladda UK ka soo baxday ayaa muujinaysa in dadka madow iyo kuwa ka soo jeeda bulshooyinka kale ee laga badan yahay ay dalkeeda ka yihiin 14% tirada guud ee bulshada, haddana macluumaadka caafimaadka ayaa tilmaamaya in dadka u geeriyooday iyo kuwa uu sida xun ugu dhacay cudurka Covid19 ay yihiin 34% dadka la isku yiraahdo BAME ama bulshooyinka madow iyo kuwa laga tirada badan yahay.Soomaalida oo ka mid ah bulshooyinkaas ayuu cudurka saameyn ku yeeshay. Dad badan oo Soomalai ah ayaa u dhintay balse waxaan halkan ku soo koobeynaa qaar ka mid ah, Allaha u naxariistee, Soomaalidii ku dhintay.

Nuur Cadde:Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade), ayaa Soomaaliya ka soo noqday Ra’isalwasaare muddadii u dhaxeysay Nofember 2007 illaa Febraayo 2009.Nuur Cade wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho 2-dii Febraayo 1938-kii, waxaana 1-dii April 2020 uu ugu geeriyodeey Isbitaal ku yaal magaalada London cudurka Covid19.Nuur Cade ayaa lagu xusuustaa kaalintii uu ka qaatay shirweynihii dib u heshiisiinta Jabuuti ee sanadkii 2009-kii ee lagu dhisay dawladdii wadaaga aheyd ee uu qaybta ka ahaa Isbahaysigii dib u xoreynta ee fadhigiisu ahaa magaalada Casmara ee dalka Eritrea.Nuur ka hor intii aanu siyaasadda ku biirin wuxuu soo noqday ciidamadda Booliiska, waxaa kale oo uu ka soo shaqeeyey hay’adda bisha cas ee Soomaaliyeed.

Xudeydi:Maxamuud Ismaaciil Xuseen ( Xudeydi) wuxuu ahaa abwaan, heesaa, laxamiiste caan ku ahaa kabanka waxaana uu ku muteystey magaca “Boqorkii Cuudka”.

Wuxuu 8-dii April 2020 cudurka Covid19 ugu geeriyoodey isbitaal ku yaalla magaalada London oo in muddo ah uu ku jiray.Xudeydi wuxuu ku dhashay magaalada Berbera 15-kii April 1928-kii, waxaana la aasay 15-kii April 2020, oo aheyd maalintii uu dhashay.Xudeydi ka sakow kamanka uu caanka ku noqday, heesaha uu qaaday iyo kuwa uu allifay waxaa kale oo lagu xusuustaa sidii uu suugaanta ugu dhiirigalin jiray halgankii xornimo doonka ee ummadda Soomaaliyeed.Waxaa kale oo uu gacan siiyey xornimo doonkii Jabuuti.

Biriq:Cabdulqaadir Maxamed Faarax (Biriq) wuxuu ahaa ciyaartooy caan ka ahaa Soomaaliya, una ciyaari jiray naadigii Batroolka, ka hor intii aanu u soo guurin Ingiriiska oo uu soo galay 1992-kii.Biriq wuxuu ku dhashay magaalada Baladweyne sanadkii 1961-kii, wuxuu ka mid ahaa laacibiintii gobolka Hiiraan u matali jiray ciyaaraha gobollada.Biriq wuxuu inta badan ka ciyaari jiray garabka midig, isagoo isku dabooli jiray lambarrada 7, 8, ilaa 11.Wuxuu ka mid ahaa ciyaartoydii kalsoonida badan lagu qabay ee usoo ciyaaray xulka qaranka Soomaaliya.In muddo ahba, Biriq wuxuu laanta af-Soomaaliga ee BBC-da kala qayb gali jiray barnaamijyada falanqeynta cayaaraha sida tebinta tooska ah.Waxaa kale oo uu ku lahaa mehrad ganacsi xaafadda Harlesden ee degmada Brent ee Waqooyiga Galbeed ee magaalada London.Wuxuu ahaa shakhsi aad uga dhex muuqday bulshada Soomaaliyeed ee London oo uu xubin firfircoon ka ahaa.