Dowladda Tanzania oo Fashilisay Sirta Ku Duuggan Shaybaadhka Covid-19

Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist

Dar es Salaam(ANN)-Tansaaniya ayaa shaqadii ka joojisay madaxii sheybaarka caafimaadka qaranka ee u xilsaarnaa baadhitaanka cuddurka coronavirus, maalin kadib markii Madaxweynaha John Magufuli uu su’aal galiyay saxsanaanta baadhitaano tijaabo ah oo lagu sameeyay sheybaadhka.

Dawladda Tansaaniya, ayaa ku tijaabisay shaybaadhka lagu oggaado cuddurka Coronavirus, dhiig laga qaaday Adhi, Xayawaano kale iyo waxyaabo kale oo dareere ah sida Saliida Baabuurta iyo dheecaanka Babayga khudrada ah ee la cuno, taas oo natiijada kasoo baxday sheybaadhka lagu baadhayay xannuunka COVID-19, ay dhalisay shaki weyn , isla markaana si lama filaan ah meesha uga saartay in lagu go’aan qaato jawaabaha sheybaadhka.

Madaxweynaha John Magufuli oo si joogto ah hoos ugu dhigay saamaynta fayriska ee dalkiisa, ayaa sheegay axadii inuu si qarsoodi ah u baadhay xayawaan, midho iyo saliida baabuurta sheybaarka. digaag, deero iyo Adhi waa laga helay xannuunka Coronavirus, (resulted in positive coronavirus COVID0-19)- sida uu sheegay madaxweynaha dalka Tansaaniya ee ku yaal Afrikada Bari.

Arrintan ayaa noqotay mid aad u xiiso badan oo si weyn u qabsatay warbaahinta dunida, waxaana ay shaki gelisay gebi ahaan qalabka dalalka Afrika laga iibiyay ee shaybaadhada la doonayo in lagu oggaado xannuunka sida weyn aduunka ugu faafay ee Coronavirus iyo weliba waxyaabaha lagu sheego in layskaga difaacayo sida Gafuur-xidhka iyo waxyaabaha gamcaha la gashado.

Dalka Iiraan oo ka mid ah dalalka uu kusoo horreeyay xannuunka Coronavirsu ee Koonfurta Aasiya, ayaa marar baddan ka digay in aan la siyaasadayn xannuunka, waxyana Maraykanka ku eedeeyeen in uu qayb ka yahay masiibada aduunka ku habsatay ee COVID-19, isla markaana khuburada dhanka Sayniska iyo xeel-dheerayaasha dawooyinka ee Iiraan ayaa uga digay dalaka Islaamka inay iska hubiyaan qalabka lagu baadhayo xannuunka iyo waxyaabaha loo adeegsanayo in lagaga hor-taggo oo ay sheegeen in qaarkood qayb ka noqon karaan faafitaanka Coronavirus.

Dhinaca kale, Xuutiyiinta Dalka Yemen, ayaa ku eedeeyay mar horre in dalalka Imaaraadka iyo sucuudigu doonayaan in xannuunkaa loo soo waarido dalka Yemen, waxayna ka digeen in dadka reer Yemen ay qaataan Gafuur-xidhka ay qaybinayaan Sucuudiga iyo Imaaraadku.

Saraakiisha iyo khuburada Iiraan, ayaa sheegay in qalabkaasi uu yahay mid ay Yuhuudu doonay in lagu faafiyo xannuunka, waxaana xusid mudan in muddo kadib markii ugu horraysay lagu arkay xannuunka Koonfur Bari dalka Yemen, halkaas oo la sheegay in lagu arkay qofkii u horreyay markii qalabkaa la geeyay.

Xukuumadda Dalka Turkiga ,ayaa dhankeeda sheegtay mar horre in xannuunku uga soo gudbay dhanka Sucuudiga, halkaas oo ay kasooo laabteen xujaaj kasoo dawaafay xaramka, kuwaas oo laga helay qofkii u horreeyay Turkiga Ckiioronavirus, kadib markii ku dhowaad Toban kun oo xujaajta soo cimraysatay la geliyay karantiin, waxayna xukuumadda Turkigu ku eedaysay Masuuliyiinta Sucuudiga inay xannuunka u qarinayaan dalalka Muslinka ee dadka xannuunsanaya ku daabulayaan.

Sidoo kale, waxay arrintan khashiftay walaaca ay dalal badan ka qabeen xannuunka dunida sadheeyay, kaas oo weli Maraykanka oo ka mid ah dalalka uu sida weyn dhulka ula galay ee ugu faafay iyo Dalka Shiinaha ee uu kasoo bilaabmay isku canbaaraynayaan, iyadoo Madaxweyne Trump iyo khuburo dhanka Sayniska ee Maraykanku ku eedaynayaan inuu dalka Shiinuhu ku faafiyay aduunka, isla markaana lagu xisaabtamayo.

Muuqaalkan ka Daawo Madaxweynaha Tansaaniya John Magufuli oo fashilka dhacay ka hadlaya.