Puntland Qofkii labaad oo Covid-19 u Dhintay iyo Wasiirro Xanuunka laga Helay oo la Shaaciyey

Wasiirka caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan 2020
Wasiirka caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan 2020

Garoowe(aftahannews):- Wasiirka caafimaadka Dowlad-goboleedka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, ayaa sheegay in laba Xubnood oo ka tirsan Golaha Wasiirrada Puntland laga helay Sadheeyaha sida fudud u faafa ee Covid-19.

Wasiirka caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan 2020

Wasiirka caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan 2020

Labada Wasiir, ayaa ka mid ah siddeed Qof oo Khamiista 7-da May 2020 laga helay cudurka, ka dib markii baadhitaan lagu sameeyay 22 Qof oo reer Puntland ah, sida uu sheegay Wasiirku.

Wasiirka caafimaadka Puntland, ma shaacin xog intaas ka badan oo ku saabsan wasiirrada laga helay cudurka Covid19, balse wuxuu sheegay in xaaladdooda caafimaad ay wanaagsan tahay wakhtigan.

Dadka helay cudurka, ayaa  4 ka mid ah laga diiwaangeliyey magaalada Qardho, halka Gaalkacyo laba Qof laga helay, inta kalena laga diiwaangeliyey magaalada Garoowe ee xarunta dowlad-goboleedka Puntland.

Wasiirka caafimaadka Puntlnad, ayaa nasiib-darro ku tilmaamay in Dad badan oo lagu arkay calaamadaha xanuunka Covid-19 ay ku dhinteen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari iyo Magaalooyinka kale ee Puntland qaarkood.

Inkasta oo uu Xanuunka dunida saamaynta taban ku yeeshay ee Covid-19 aad ugu sii fidayo Dalka Soomaaliya, ha ugu badnaato magaalo-madaxda Muqdisho’e, haddana Puntland oo meelaha labadii toddobaad ee ugu dambeeyey uun xanuunka in lagu arkay la sheegay, ayey tirada dadka laga helayo xanuunka iyo dhimashaduba sii kordhaysaa.

Puntland, ayaa Tirada guud ee Dadka laga helay cudurka Coronavirus ay gaadhay 59 Qof, halka dhimashadu marayso labo Qof, oo Ruuxa labaad Khamiista maanta u geeriyooday xanuunkaas, kaas oo ahaa Kormeerihii Wasaaradda Waxbarashada Puntland ee gobolka Nugaal, sida ay dowladdu sheegtay.

aftahaninc@gmail.com                                  

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.